Maamulka Jubboland Oo Xidhiidhka U Jaray Dawlada Federaalka Ah Iyo Sababta Keentay

0
Thursday July 25, 2019 - 15:38:52 in News by
  • Visits: 3070
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Jubboland Oo Xidhiidhka U Jaray Dawlada Federaalka Ah Iyo Sababta Keentay

    Maamulka Jubboland Oo Xidhiidhka U Jaray Dawlada Federaalka Ah Iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Jubboland Oo Xidhiidhka U Jaray Dawlada Federaalka Ah Iyo Sababta Keentay


Kismaayo(HWN):-Maamulka Jubboland ayaa shaaciyey inay xidhiidhkii u jareen dawlada federaalka ah ee soomaaliya.




Shir ay maanta yeesheen golaha wasiirada maamulka Jubboland oo uu gudoominayey madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe ayaa layskula qaatay in maamulku hakiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa dawlada federaalka ah.


War laga soo saaray kulanka ay yeesheen golaha wasiirada maamulka Jubboland ayaa lagu yidhi


"Waxaa golahu dood dheer ka yeeshay farogalinta qaawan ee dowlada Federaalku ku hayso hannaanka doorashooyinka Jubbaland iyo khalkhalgalinta joogtada ah waxaana golahu uu soo saaray in la hakiyay maanta laga billaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka ah iyo Jubbaland go’aankaas ayay golahu gacan taag ku meel mariyeen." ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka golaha wasiirrada.


Golaha wasiirrada Jubbaland ayaa tacsi u diray Ehelada dadkii ku dhintay weerarkii ee ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ,waxaa ay Allah uga baryayaan caafimaad taam ah dadkii halkaas ku dhaawacmay.


Waxaa kale oo kulanka maanta looga hadlay xaaladaha ammaanka Jubbaland wakhtiga doorashooyinka waxaana golahu uu sheegay in hay’adaha ammaanku ay si adag u sugaan nabadgalyadda muddada lagu jiro howlaha doorashooyinka si baa la yiri 'looga hortago isku dayada argagixisadu ku doonayso dhibaataynta shacabka'.


Dawladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa isku khilaafsan hannaanka ay u dhaceyso doorashada, waxaana sidoo kale diidday hannaanka doorashada musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Jubbaland.

 

Loading...
Loading...