Ambassador Iyo Shaqada Uu Qabto. W/Q: Rashiid Odowaa
inuu wakiil uga noqdo waddan kale oo madax bannaan,ama hayad caalami ah,weedhan waxa kale oo loo adeegsan karaa shakhsi isagu isu xil saaray inuu howlo gaar ah bulsho meel uga fuliyo.
Waddanka loo diray waa inuu aqbalaa marka uu shakhsigan darso aqoonstiisa iyo taariikhdiisa waxanu ku aqbali karaa "Persona Gratta” haddii wadankaasi aqbali waayo wuxuu odhanayaa "Persona non gratta”shakhsigan waddankayaga lagama ogola isla markaa waa in dowladda Soo Diratay keentaa shakhsi kale sida uu qeexayo "axdiga Vienna ee Diplomatic relation 1961”waxa lagu ansixiyay heshiiskaas in dhowridda diplomasigu tahay qodob ka mid ah Shuruucda Caalamiga ah (International law).
Maadaama ay sidaas tahay oo la siiyay diplomasiga dhowrsanaan aad u sarraysa, dabcan,Isagana waa inuu ahaadaa qof dhowrsoon oo ilaaliya waddanka soo dirtay Sumcaddiisa haddii taas la waayo wuxuu dhaawaci karaa xidhiidhka labada waddan.
SHARAFTA IYO DHOWRSANAANTA DIPLOMASIGA
Diplomacigu wuxuu leeyahay dhowrsanan iyo inuu si nabad ah ugu gudbi karo meel kasta oo uu marayo waxa ka mamnuuc ah in waxyeello loo gaysto,laguma xukumi karo sharciga wadankaas uu joogaa uu leeyahay, laguman soo eedayn karo sidoo kale lama baadho shandadihiisa iyo wixii alaab ah ee u socotta safaaradda ee uu ku qoranyahay magaca safaaraddu.
Waxa suurto gal ah haddii diplomasigu galo fal danbiyeed aad u wayn in wadankii uu ka yimid ka gudo danbigaa uu galay shaqadiina ku waayo,Waxa xusid mudan safaaradda uu waddan leeyahay ciidanka ama police ma geli karo,sababtu waxay tahay safaaraddu waxay ka mid tahay dhulka wadankaas safaaradda leh albaabka keliya ee loo mari karaa waa in lala hadlo dalkii safaaradda lahaa.
"1984 ayay ahayd markii dad libiya u dhashay oo ka soo horjeeda Xukunka Muamar Al-Qaddafi ay Safaaradda London ee Libya aya Mudahaaraad la hor yimaadeen iyagoo sitta Boodhah ay ku qoranyihiin hal ku dhegyo,ay kaga soo hor jeedan xukunka Qaddafi,dadka oo u badnaa Arday iyo dad kale,Waxa safaaradda libiya gedeheeda laga soo Furay Rasaas Machine Gun iyo pastoolado,waxa vhalkaas ku dhimatay Gabadh Police Ingriis ahayd oo waliba ka celinaysay dadka mudahaaraadaya inay Safaaradda u soo dhowaadan,Waxa kaloo halkaas ku dhaawacmay 10 qof oo dadkii dibad baxa Samaeeyay ah,Sidaas ool ay tahay Haddana Cid safaaradda Albaabkeeda istaagtay ma jirto iskaba daa in la galo e waxase aad u xumaaday Xidhiidhkii labada dal Waa UK iyo Libya”.
Markay sidaas tahay ee dhowsoonaanta intaa leeg la siiyay safaaradaha iyo Diplomasiyinta ka shaqeeyaba,waxad halkaas ka garan kartaa in Qofkan diplomaciga ah aan isagana laga ogolayn inuu soo dhaafo xayndaabka sharci oo uu faro geliyo waddankan uu joogo arrimiiisa oo dhan Gudo iyo dibadba,Hase ahaatee Qaabka uu howshiisa u gudanayo,Sida uu ku helayo Xogaha uu la wadaagayo Dalkiisii waa hab la isla ogolyahay oo qeexan waxayna leedahay dariiqooyin loo maro.
SHAQADA DIPLOMASIGA AMA AMBASSADORKA
1-Marka ugu horraysa waxa uu yahay calaamad u taagan waddankaas uu ka yimid,waxa kaloo uu wakiil ka yahay Madaxweynaha wadankaas soo dirsaday dabcan waa muraayadda laga daawan karo waddankaas soo dirsaday (Sending state) haddii shakhsigan Diplomasiga ahi uu fiicanyahay dalkii uu ka yimidna wuu fiicanyahay,haddii shakhsigani uu Xunyahay dabcan waddankii soo Xulay maxaad u malayn ayaa la is waydiin karaa.
2-Waxa uu xidhiidhka u hayaa oo uu wanaajiyaa labada waddan ee uu u dhexeeyo wadankiisii uu ka yimid iyo wadankan uu martida u yahay wax kasta oo dano ah oo ka dhexeeya waa inuu qaybta ugu badan ka qaattaa.
3-Waxa uu magan geliyaa xaqoodana ilaaliyaa Muwaadiniinta wadankiisa ah ku nool waddankaas uu joogo,waxa kaloo uu xidhiidhiyaa Jaaliyadda halkas ku nool horumarkooda iyo la shaqayntooda.
4-Waxa uu xidhiidhiyaa sidii ay u qaybsan lahaayeen labadan waddan wixii horumar dhaqaale iyo xaddaarad bal eh,waxa kaloo uu ka shaqaynayaa sidii labada waddan ay isu dhaafsaan lahaayeen wixii xog ah eek u saabasan labada dhinac.
5-Waxa uu ka qayb qaattaa sidii ay nabad gelyo iyo is faham ugu wada noolaan lahaayeen labada waddan xidhiidhkooduna u fiicnaan lahaa,isla markaana wuxu ka hortagaa wixii is maandhaaf keeni kara.
6-Waxa uu ka sheqeeyaa Danaha iyo xidhiidhka labada waddan,waxa uuna kobciyaa heshiisyada iyo axdiyada ka dhexeeya labadan waddan,waxa uu soo gudbiyaa akhbaarta hadday tahay ganacsi,horumar,Siyaasad IWM.
7-Diplomasigu wuxuu xaq u leeyahay inuu helo wararka ja jira waddankan uu safiirka ka yahay,xattaa haddii waddankan qof lagu dilo waa inuu helaa si uu waddankiis ugu gudbiyo una sheego in maanta Dil ka dhacay waddankaas uu shaqada u joogo,Sidaas darteed waa inuu helaa nooc kasta oo warbaahineed oo dalkaas ka jirta Subax kasta,hadday tahay TV.Radio,iyo wargeysyadaba.
8-Safiirka Waxa u jooga magaalooyinka kale ee aan ahayn Caasimadda Qunsuliyado isaga uga wakiil ah oo halkaas kala shaqaynaya xafiis kastana waxa u jooga sarkaal diplomasi ah iyo Howlwadeenadiisa.
Intan oo keliya laguma koobi karo shaqada diplomasiga.
Wa billahi towfiiq
Rashiid Odowaa
063-4101213
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!