Labada oday ee derbiga fadhiya waa Xaaji Xasan iyo Xaaji Yaasiin

0
Friday April 18, 2025 - 07:56:09 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labada oday ee derbiga fadhiya waa Xaaji Xasan iyo Xaaji Yaasiin

    Labadooduba waxay noloshooda ku maareeyaan dukaamo....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labadooduba waxay noloshooda ku maareeyaan dukaamo....


WAANA KA QAADO 

Labada oday ee derbiga fadhiya waa Xaaji Xasan iyo Xaaji Yaasiin. Waa laba nin oo xusuus wadaag ah, in ka badan lixdan sano ayay saaxiibo ahaayeen, tarjiinkaasna ayay mar walba oo firaaqo yihiin ku kala warqaataan. Midkoodna waligiis xaafaddan meel um dhaafin, laga soo bilaabi dugsigii Qur’aanka, iskuulkii, ilaa maanta ayay isgarab joogaan. Wali waxaa ka dhexeeya xiriir saaxiibtinimo oo ku dhisan iska-warqab iyo garab istaag; xiriirkoodu wuxuu la mid yahay geed waaweyn oo aanay duufaanuhu ruxin.

Xaaji Xasan wuxuu wiilkiisii kaliya ee uu dhalay waayay dhowr sano ka hor. Wixii intaas ka dambeeyay hadalkiisu aad buu u yaraaday. Hase yeeshee, mar kasta oo qalbigiisa culays iyo xusuus xooggan kusoo kacaan wuxuu yimaadaa tarjiinkaas masjidka dhabarkiisa ku yaalla, halkaasoo saaxiibkiis Yaasiin uusan badanaa ka maqnaan.

Yaasiin hadal badan ma laha, balse wuxuu si qoto dheer u yaqaannaa sida loo dhageysto hadalada kasoo baxa qalbiga dhaawacmay ee saaxiibkiis. Wuu garab fadhiyaa, wejigiisa waxaa ka muuqda sabar iyo daacadnimo, waxa uu u muuqdaa inuu ku leeyahay saaxiibkiisa murugsan: "Saaxiib, anigu halkan ayaan ahay, inta aad garab u baahan tahay.”

Marka Xasan uu ilmeeyo, Yaasiin ma weydiiyo sababta waayo, wuu ogyahay. Taa beddelkeeda dhabarka ayuu si naxariis leh ugu dharbaaxaa isagoo cod hoose ku oranaya: "Xasanoow, tani waa aduunyo khayr bay noqon doontaa, Sabar”.

Dhanka kale Xaaji Yaasiin laftiisaba xaalad adag ayuu wajahayaa oo saaxiibkiis Xassan Wuu ogyahay waana ugu garaabaa. Yaasiin Xaaskiisii uu jeclaa waxay geeriyootay laba sano kahor. Afar ilmood oo uu dhalayna way ka kala tageen; qaar waxay u hayaameen magaalooyinka waaweyn, qaarna qurbaha ayay u jihaysteen, dhammaantoodna waxay ka siman yihiin in xiriir joogto ah uusan dhex marin iyaga iyo aabbahood.

Labadooduba waxay noloshooda ku maareeyaan dukaamo yaryar oo suuqa ku yaale se hada ay soo xireen maadaama xilli galab gaab ah la joogo. Waxay ka simanyihiin inay iska warqabaan dadka caawiyaan, masjidkana ay xilliga jamaacada safka hore joogaan.

~ Sheekadu waxay xambaarsan tahay faham ku saabsan saddex tiir oo nolosha bani’aadamka sal u ah: waa saaxiibtinimo, sabirka iyo cibaadadda. Waa in Saaxiibtinimada dhabta ahi tahay mid ku dhisan aamusnaan iyo faham, garab istaag aan la dalban, iyo qalbi qalbi u taagan; Samirkuna yahay iftiin qalbigu ku xasil marka ay timaado geeri, go’doon ama dhaawac nafeed; halka cibaadada iyo joogitaanka masjidka ay u taagan yihiin nafis joogto ah iyo xasuusnaan in noloshu tahay safar gaaban oo imtixaan wehliyo ee aysan ahayn joogis raaxo leh iyo goob lagu waarayo.

Waalidka halaga warqabo hana loo dhimriyo.

#W_Q_Haaruun_Mohamud


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...