50 sanno oo ay is qabeen waligii ma odhan "waan ku jeclahay"

0
Friday April 18, 2025 - 07:54:19 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    50 sanno oo ay is qabeen waligii ma odhan "waan ku jeclahay"

    Waxay tidhi: "Sax, waan xasuustaa."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay tidhi: "Sax, waan xasuustaa."



Waxay ku tidhi: "Adigu waligaa imaad odhanin waan ku jeclahay."

Wuxuu ugu jawaabay: "Ma xusuusataa maalintii roobku da’ayey, annaga oo waddada marayna, aan jaakadayda kuu siibay si aad diirimaad u hesho? Anigu waan bukooday, adiguna waxba maad noqon."

Waxay tidhi: "Haa waan xasuustaa."

 

Wuxuu yidhi: "Ma xasuusataa maalintii aynu wiilkeenii booqanay, markaanu soo noqonaynay ee aynu soo lugaynay, anigoo garabkaaaga ah? Lugahaagii baa ku xanuunay, waadna istaagi kari weyday, markaasaan dhabarka kugu qaaday ilaa guriga."

Waxay tidhi: "Sax, waan xasuustaa."

 

Wuxuu yidhi: "Ma xasuusataa maalintii aan dhakhtarka indhaha aaday, markaasuu dhakhtarku yidhi indhahaagu si fiican uma shaqayn doonaan, waxaan idhi: waxba ma leh, waxaan leeyahay labo indhood oo kale – waa xaaskayga."

Waay ku faraxday, iyadoo qosoleysa bayna tidhi: "Haa waan xasuustaa."

 

Wuxuu yidhi: "Miyayna tani ahayn jacayl?"

Waxay tidhi: "Haa waa jacayl, waxaan se jeclahay in aan maqlo adiga oo i leh 'waan ku jeclahay.'"

Wuxuu yidhi: "Aniguna waan ogahay inaad ogtahay inaan ku jeclahay."

Waxay tidhi: "Haddaba ii dheh 'waan ku jeclahay.'"

Wuxuu yidhi: "I gacan qabso si aanad uga dhicin jaranjarta... Ma aragtay inta aan kuu hayo jacaylka?"

 

Waa isla joogga (nolosha wadajirka ah), waana dadkeeda. Isla jooggunq wuxuu ka muhiimsan yahay jacaylka. Waxaa jira dad markiiba is dhaha "waan ku jeclahay,” haddana markay timaado imtixaankii ugu horreeyay, ay kala hadhaan ama midkood uu fashilmaa.

 

Nabad iyo naxariis Alle ha ugu deeqo kuwa ilaaliya wadajirka.

Isla jooggu wanaagsan waa ficillo wanaagsan oo keena jacayl.

 

Jacaylku waa ficil, ma aha erayo. Waa dareen iyo niyad aan dareemeyno, waana waxa nagu kordhiya xanuunka iyo xusuusta quruxda badan ee la yidhaahdo jacayl.

 

Jacaylka ficilkaa ku noolaada, ee ha ku koobnina hadal – si aad nolol farxad leh ugu noolaataan.

 

Sawirada Waxaan ka Soo Ergaysanay Baraha bulshada

 

Abdullaahi Saciid Salaad


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...