Nabadda Iyo Quruxda Magaalooyinka!

0
Thursday April 17, 2025 - 14:52:00 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabadda Iyo Quruxda Magaalooyinka!

    Dadka magaalada degan ayaa ah dad aqoon yahano...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka magaalada degan ayaa ah dad aqoon yahano...



Dhibaatooyinka dagaalada ayay ka mid tahay in laga dhaxlo buburka iyo baaba’ xadaaradda, aqoonta iyo weliba dad iyo duunyo aanay waxba ka hadhin. Magaalada Ala-Diqiya waxa ay mid tahay kuwo ugu quruxda badan dalalka Carabta.

 

Ala-diqiya waa magaalo ku taalla dalka Suuriya, gaar ahaan xeebta Badda cad, caasimadda Dimishiq waxay u jirta dhinaca waqooyi 395 km. Taariikhda ayaa sheegta in la asaasay 7 kun sano ka hor taariikhda miilaadiga.

 

Tirada dadka ku nool magaaladan ayaa sanadkii 2009 lagu qiyaasay 650 kun qof. Waxaana ay isugu jiraan Muslimiin suni ah, Calawiyiin iyo Masiixiyiin.

 

Dadka magaalada degan ayaa ah dad aqoon yahano ah, waxaana lagu qiyaasay dadka aan aqoonta lahayn9%. Waa magaalo qurux badan oo isku darsatay inay noqoto xarun ganacsi oo ay ku yaalaan wershado kala duwan. Waxa kale oo ay noqotay magaalo xarun u ah aqoonta iyo dalxiiska.

 

Waxaana lagu qiyaasay dadka booqda sanadkii nus malyuun qof oo dalxiisayaal ah. magaalada Ala-diqiya waxa ku yaalla goobo taariikh ahi oo ay dhiseen maamuladii kala danbeeyay ee xukumi jiray,

 

waxaana ka mid ah xaruntii Salaaxa-diin Al-Ayuubi. Wakhtigan ayay saamayn weyn ku yeesheen dagaalada ka socda dalkaasi. Dagaalada sokeeya ayaa burburiya quruxda iyo nolosha qiimaha leh ee magaalada iyadoo dhismayaasheeda quruxda badnaa aynoqdeen kuwo cidla ah oo laga guuray.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...