Muxuu Trump ugu daray Soomaaliya qorshaha lagula dagaalamayo Xuutiyiinta Yemen?

0
Tuesday April 15, 2025 - 07:04:15 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Trump ugu daray Soomaaliya qorshaha lagula dagaalamayo Xuutiyiinta Yemen?

    "Waxaan awood u siiyey dagaalyahannadayada, mar labaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan awood u siiyey dagaalyahannadayada, mar labaad



Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii sheegay in Mareykanku uusan ogolaan doonin "argagixisada" inay ku dhex dhuuntaan shacabka Soomaaliyeed.

 

"Waxaan taageereynaa dadka Soomaaliyeed, oo aan u ogolaanin Xuutiyiinta inay soo dhexgalaan (oo ay isku dayaan inay saameeyaan!), si ay u joojiyaan argagaxisada, oo ay barwaaqo u keenaan dalkooda," ayuu ku soo qoray baraha bulshada, isaga oo tixraacaya xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo bartilmaameedsanaya maraakiibta u socota Israel si ay u muujiyaan garab istaagga Gaza.

 

"Waxaan awood u siiyey dagaalyahannadayada, mar labaad, si la mid ah sidii aan u dagaalamay ISIS , kuwaas oo gebi ahaanba lagu baabi'iyey saddex toddobaad gudahood intii uu hoggaaminayey General Daniel Caine, Madaxa cusub ee agaasimayaasha Shaqaalaha."

 

Trump ayaa horey u sheegay in Caine uu ahaa "qalab lagu baabi'inayo gabi ahaan" ISIS.

 

Arrinkaan xagee Soomaaliya ka soo gashaa?

Soomaaliya waxa ay qayb ka tahay wadamada uu maro gacanka Cadmeed kaa oo ka yimaada dhankaas iyo Yemen, taasoo ka dhigaysa meel muhiim u ah Mareykanka, oo maamulkiisu uu sare u qaaday ololihiisa milateri ee ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta. Wargeyska New York Times ayaa maalmo ka hor sheegay in Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika uu yiri "Ciidanku waxa ay isha ku hayaan calaamado muujinaya in ay gacan-saar la leeyihiin Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo Kooxda Xuuthiyiinta," sida lagu sheegay hadal uu ka hor jeediyay Congress-ka Mareykanka todobaadkii hore.

 

Hadalkaan ayaa sidoo kale qayb ka ahaa warbixin gaar ah oo CNN sanadkii 2024 soo saaray, kaasoo lagu sheegay in sirdoonka Mareykanka uu ka warhelay wadahadal dhexmaray kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah iyo xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya oo ku saabsanaa bixinta hubka. Saddex sarkaal oo Maraykan ah ayaa shabakaddan ku tilmaamay arrin welwel leh oo khatar gelinaysa xasilloonida gobolka.

 

CNN ayaa xiligaasi sheegtay in xogta sirdoonku uu ahaa mid laga naxo sababtoo ah "isbahaysigaan raaxada ah ayaa uga sii dari kara arrimaha Soomaaliya, badda cas iyo gacanka cadmeed" halkaas oo Ansar Allah ay weeraro ku qaadayso maraakiibta iyo hantida Mareykanka ee gobolka tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.

 

Kooxda Xuuthiyiinta ee Ansar Allah ayaan wax war ah kasoo saarin ama aysan kasoo saarin wax mowqif ah oo ku aadan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee Soomaaliya, kooxda xagjirka ah ee Islaamiyiinta ah ee ka mid ah kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Soomaaliya lana aaminsan yahay in ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacida.

Goobta juqraafiyeed iyo xiriir saaxiibtinimo

Laakiin marka laga yimaado dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxaa sidoo kale jira muhiimad juquraafiyadeed oo Soomaaliya leedahay, maadaama ay ku taal xeebta bari ee qaaradda Afrika, qaybna ay ka tahay waxa loo yaqaan Geeska Afrika. Dhanka waqooyi waxaa xad la leh Gacanka Cadmeed, Yemen, iyo Jabuuti, galbeedna Itoobiya, bari waxaa ka xiga badweynta Hindiya, dhanka koonfureedna waxaa xad la leh Kenya.

 

Waxaa jirta marin biyood u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen oo qaxooti Yemeniyiin iyo Soomaali isugu jira ay in muddo ah doonyo kaga soo gudbeen iya oo Yemen ka soo safra kuna soo wajahan Soomaaliya.

 

Wargeyska The New York Times ayaa dhawaan ka qoray goobta: "Maraykanku hadda waxa uu saldhig ku leeyahay dalka jaarka ah ee Jabuuti, waxaana barbar socda hawlgallada militari ee Shiinaha iyo Yurub". Wargeysku waxa uu ka soo xigtay mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland oo uu yidhi "Somaliland waxa ay noqon doontaa goob yar oo saxmad ah oo lagula soconayo marin biyoodka, lagana yaabo in weeraro lagu qaado bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yemen.

 

Soomaaliya gudaheeda waxa ka jira jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, oo ah qayb ka mid ah gobollada Waqooyi ee dalka oo hore ugu hoos jirtay gumaystihii Ingiriiska. Waxay keligeed ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya, iyada oo abuurtay Jamhuuriyadda "Somaliland,". Jamhuuriyad cidna ma aqoonsana waddan iyo urur caalami ah midna, balse waxa ay dhacdaa xeebta koonfureed ee gacanka cadmeed.

 

Sida laga soo xigtay wargeysyada caalamiga ah, wakiilo ka socda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dhawaan warqado u diray Trump, iyagoo u soo bandhigaya fursado ciidan iyo kuwo istiraatijiyadeed oo ay ku beddelanayaan xoojinta xiriirka Mareykanka ee kala dhexeeya.

Bbc/somali


Loading...
Loading...