Madaxweynaha Somaliland oo Safarka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ku Tilmaamay Masuuliyad-darro
Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa safarkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre uu ku tagay Laascaanood ku tilmaamay mid muujinaya masuuliyad-darro weyn.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu safarka ku yimid qayb ka mid ah dhulka Somaliland, sidaa darteedna ay dowladda Soomaaliya qaadi doonto masuuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhalata tallaabadaas.
Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxaannu u sheegnay in safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee masuuliyad-darrada ah ee uu ku yimid dhulka Somaliland, wixii khasaare ah ee ka yimaada ay Soomaaliya iyo cidii soo dirsatayba ay qaadi doonaan, Somaliland ahaan waxa aanu madaxda caalamka iyo beesha caalamka u sheegayna in aanu nabadana ka shaqaynayno masuuliyada dadkayaga iyo dalkayaga naga saarana aanu difaaceyno, Somaliland way soconaysaa, ciidamadeeda way dhisaneysaa, wey is-difaaceysaa nabada ayey ka shaqayneysaa, waxaanu u sheegaynaa caalamka in wixii khasaare ka yimaada safarka is-maqiiqa ah in Soomaaliya iyo ciddii soo dirtay ay ka masuul noqon doonto,”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland ay dhawaan heli doonto aqoonsi buuxa, isla markaana ay ku hawlan tahay dhismaha ciidan xooggan, waxaanu uu intaasi ku daray in Somaliland ay is-difaacayso.
Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu sheegay in cid kasta oo ka soo horjeeda Somaliland aanay wax dhibaato ah u geysan doonin, isla markaana Somaliland ay muujisay in ay tahay dowlad masuul ah oo lala macaamili karo, taasina ay keentay in caalamku boggaadiyo. Waxaanu yidhi "Somaliland waxay adduunyada u muujisey inay tahay dal lala macaamili karo, waxana beesha Caalamka iyo madaxda gobolka ba inaynu nahay dowlad masuula, dunidu arrintaasi way innagu boggaadiyeen, bulshada waxaan ugu bushaareynayaa in Somaliland ka mid tahay dowladda mustaqbalka dhaw, haddii la diido iyo haddii la doonaba Somaliland waa Somaliland, waana la aqoonsanaya.
Waxa aanu u sheegayna beesha caalamka dadaalada aanu sameynaynay ee nabadeynta ee Qarameynta, guddiyada nabada, intaas dunida oo dhan way la socota.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu xusay in markii xukuumaddiisu ay xilka la wareegtay 12-kii December ee sannadkii hore, ay ku baaqeen nabad shuruud la’aan ah oo ay kula noolaadaan dhammaan jaarka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in uu aas-aasay guddi nabadeed, isla markaana la qarameeyey ciidamadii beeleeha, si nabadda loo hirgeliyo. Waxaanu yidhi "Waxaynu bilowney laba bilood ka hor inaynu qarameyno dadkii shicibka ahaa ee hubka u qaatay inay is difaacaan, isla markaana ay ka mid noqdaan ciidamada Qaranka JSL, iyaga iyo hubkoodii iyo gaadiidkoodii, waxaan filaya in aynu soo gunnaanadno haddii ILLAAHEY yidhaahdo”
Loading...
Loading...