Noloshu Waa Sida Dhibic Malab Ah!

0
Friday April 11, 2025 - 13:38:56 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Noloshu Waa Sida Dhibic Malab Ah!

    Waxay isku dayday inay baxsato, laakiin aad ayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay isku dayday inay baxsato, laakiin aad ayay



Dhibic malab ah ayaa dhulka ku dhacday, waxa aragatay Qudhaanjo oo soo dhawaatay waa ay dhadhamisay. Waana ay jeclaatay oo in badan ka cuntay. Markii ay damacday in ay ka tagto, waxa ay is aragtay iyada oo dhibicdii soo jiidatay, oo ku maran tahay, waana ay sii muquurtay.

 

Inta ay ku raaxaysanaysay macaanka malabka, ayay mar kasta ku sii dhegaysay marka ay hore ugu durugta malabka. Ilaa ay si buuxda ugu dhex milantay, balse ma ay garan in ay taasi xanabi doonto oo ku xidhmayso!

 

Waxay isku dayday inay baxsato, laakiin aad ayay ugu marantay, waana ay ku dhegnayd ilaa ay ka dhimatay.

 

Xikmad waana:

 

Noloshu waa sida dhibic malab ah oo kale,qofkii ku qanca in yar oo ka mid ah wuu badbaadayaa, qofkii isku dayay badsigeeda waa uu ku qarqooman waana uu ku halgaasma .!


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...