Xisbiga Wadani Haduu Sidan Ku Sii Socdo Saaxda Siyaasada Wuu Kabaxaya
Qofna kama qarsoona Natiijadii doorashada Madaxtooyada waxay ina dhaxal siisay. laakin marna xisbi qaran oo Somaliland ah kamaan
filayn inu
waxyaabaha qaar fal celiskiisu noqdo.. mararka qaar waxaan is idha
malaha dadkani ma doonayaan in ay qabtaan hogaan dalka ,ee wuxuu
qorshahoodu NOQDAY in ay burburiyaan Somaliland , hadaanay sidaa ahayn
maxaa loo arki waaye madaxda xisbigaa oo ka hadasha deelqaafka ka soo
baxaya afka qaar madax ka ah xisbigaa. mararka qaarkood markaa arko
habdhaqanka madaxda iyo taageerayaasha qaarkood waxaan isku qanciya
in ay jiraan dad doonaya in ay xisbigaa ka saaraan saaxda siyaasada oo
ay u leexiyaan xaga gacan ka hadalka., Doorashada dhawayday Xisbigaasi
wuxuu halay codad badan , maanatana hadaanu dabaalan foolxumooyinka
qaarkood waxaan hubaa inu boqolkiba lixdan ka badan lahaa, laakin
doorasho dambe haday dhacdo ma filayaa in in xisbigaasi guulaysan
doono waayo waxaa lagu shaabadeeye in beel gaar ihi iska leedahay ,
sidaa darted beel keliya guul ma soo hooyso.waan in xisbigu rumaysan
faanka aan meel gaadhsiinayn ee odhanaya hadaanu reer hebel nahay waanu
isku filnahay ..waxaan kula talinaya Gudoomiyaha ee Murashaxa aha iyo
Murashax ku xigeenkiisa , Gudoomiyaha KMG , Hogaamiyaha in ay
saxaan wadada qaldan ee xisbigu maraya, xisbigana ka saaraan dadka
nacsiinaya .DADWEYNUHU DHAWAAQ KHAYR QABA AYUU DHAKHSO IIDINKA SUGAYA
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...