Waxyeellada ay leeyihiin shaashadaha wakhtiga hurdada indhaha lagu hayo
Daraasad ayaa lagu ogaaday in dadka wakhtiga badan ku qaata shaashadaha hortooda ee sariirta ay u badan tahay inay la kulmaan hurdo la'aan ama hurdo xumo. Cilmi-baaristu waxa ay ku salaysan tahay daraasad Norway laga sameeyay ah oo ay ka qayb galeen in ka badan 45,000 oo arday.
Waxa ay muujinaysaa in saacad kasta oo dheeraad ah oo isticmaalka shaashadda la xiriirto 63 boqolkiiba ay kororto hurdo la'aantu, aadna hesho 24 daqiiqo oo hurdo yar ah.
Cilmi-baarayaashu ayaa sheegay in kaliya ay muujiyeen xiriirka ka dhexeeya isticmaalka shaashadda iyo tayada hurdada oo liita, laakiin ma aysan caddayn in isticmaalka muraayadda uu yahay sababta tooska ee ah tayada hurdada.
Khubarada ayaa sheegay in talefankaaga oo aad iska dhigto sariirta ka hor iyo samaynta dhaqdhaqaaq nasasho ah ay kaa caawin karto hurdada.
Khabiirada ayaa sidoo kale doonayay inay daraasad ku sameeyaan saameynta isticmaalka warbaahinta bulshada ee hurdada marka loo eego hawlaha kale ee shaashadda.
Dr. Gunhild Jonsen Hetland, oo ka tirsan machadka caafimaadka bulshada ee Norway, isla markaana hormuud ka ah cilmi-baaristan, oo lagu daabacay wargeyska Frontiers ayaa sheegay in nooca shaqada ee lagu sameeyo shaashadda ay u muuqato mid ka saameyn yar marka loo eego guud ahaan wakhtiga shaashadda lagu qaato.
Waxa ay intaasi ku dartay in aysan helin farqi weyn oo u dhexeeya warbaahinta bulshada iyo hawlaha kale ee shaashadda, taas oo soo jeedinaysa in isticmaalka shaashadda lafteedu ay tahay qodobka ugu muhiimsan ee hurdo la'aanta.
Daraasada caafimaadka iyo ladnaanshaha Norway ee 2022 ayaa waydiisay ka qaybgalayaasha inay muujiyaan inay isticmaaleen wax warbaahin digital-ah, ka dib markay seexdeen, iyo sidoo kale shaqooyinkii ay ka qayb qaateen.
Fursadaha waxaa ka mid ah daawashada filimada ama TV-ga, hubinta baraha bulshada, baarista internet-ka iyo ciyaaraha.
Waxaa ka mid ah kuwa sheegay isticmaalka shaashadaha sariirta ka hor oo 69 boqolkiiba ay sheegeen isticmaalka warbaahinta bulshada, iyada oo lagu darayo dhaqdhaqaaqyadooda kale ee ku aadan isla shaashadaha.
Ka qayb galayaasha ayaa sidoo kale la waydiistay inay muujiyaan inta habeen ee todobaadkii ay ku qaataan isticmaalka warbaahinta, muddada isticmaalkooda, iyo sidoo kale inta jeer ee ay ku adagtahay inay seexdaan ama hurdaan, goor hore oo ay soo toosaan ama ay daal dareemaan.
Daraasaddu waxaa ay sheegtay inay qabaan hurdo la'aan dadka ay la kulmeen oo sheegay inay la kulmeen dhibaatooyinkan ugu yaraan saddex habeen ama maalmood toddobaadkii ee ugu yaraanta mudadda oo ah saddex bilood.
Iyada oo cilmi-baaristu ay ogaatay xiriirka ka dhexeeya isticmaalka shaashadaha ee wakhtiga hurdada ayaa lagu xusay inay tahay hurdo xumo ama hurdo la'aan, cilmi-baarayaashu ayaa sheegay in taasi macnaheedu aysan ahayn inay tahay sababta.
"Daraasaddani ma go'aamin karto sababta keentay, taas oo la micno ah in isticmaalka shaashadu ay keento hurdo la'aan ama haddii ardayda qaba hurdo la'aanta ay aad u isticmaalaan shaashadaha," ayay sheegtay Dr. Hetland.
Waxa kale oo ay xuseen in ku tiirsanaanta daraasadda xogta sahanka ee khibradaha warbixinta shakhsiga la micno tahay in ay ku jiri karto eex, natiijadeedana aan loo qaadan karin in ay tahay mid caalami ah.
Talooyinka Hurdo Wanaagsan
Hurdo la'aanta ayaa la filayaa inay saamayso mid ka mid ah saddexdii qof ee ku nool dalka Ingiriirska. Hurdo la'aanta waxay ka mid tahay dhibaatooyin kala duwan oo ay dadku ka warbixiyaan inay la kulmaan, waxaana inta badan loo aaneeyaa isticmaalka taleefoonka habeenkii iyo internetka.
In kasta oo dhaqankan la sameeyo, haddana saamaynta dhabta ah ee isticmaalka warbaahinta bulshada ama daalacashada waxyaabaha elektiroonigga ah ee sariirta ayaa weli ah kuwa muran uu ka taagan yahay marka la eego caafimaadka jirka iyo maskaxda.
Si kastaba ha ahaatee khubarada ayaa ku talinaya in la joojiyo isticmaalka aaladaha dhijitaalka, wax yar ka hor wakhtiga jiifka.
Waxa kale oo ay tilmaameen in samaynta aaditaanka sariirta ee hurdada iyo soo kicitaanka isla waqtigaas ay caawin karto xallinta dhibaatooyinka hurdada.
Hay'adaha sama falka caafimaadka dhimirka ee kala ah Mind and Rethink, waxa ay ku talinayaan isku dayitaanka in la sameeyo dhaqdhaqaaq nasasho ka hor sariirta, sida jimicsiga neefsashada, akhrinta buug, ama qubaysiga, halkii aad isku dayi lahayd inaad naftaada ku khasabto inaad seexato.
Waxa kale oo la soo jeediyay in la iska ilaaliyo kafeega, khamriga, ama cunista cuntooyin culus ka hor sariirta, si loo sameeyo jimicsi fudud, iyo in la isku dayo in qolka jiifka laga dhigo mid raaxo leh intii suurtagal ah.
Cilmi-baarataashu waxay xoogga saarayaan baahida loo qabo cilmi-baaris dheeraad ah oo ku saabsan mawduucan oo ay ku jiraan kormeerka muddada dheer ee hababka hurdada iyo sidoo kale baaritaannada meelaha ay ka mid yihiin carqaladaynta ay keento soo dhicitaanka ogeysiisyada ee aaladaha xiliga habeenkii.
Waxa ay ku soo gabagabeeyeen iskudayada wada duuban ee dadaalladani ay cadeyn karaan saameynta isticmaalka shaashadda ka hor wakhtiga jiifka ee tayada hurdada, waxayna ku wargelinayaan talooyin gaar ah oo loogu talagalay ardayda iyo dadka kale.
Bbc/somali