Maxaa ka cusub qorshaha isdhexgalka qaxootiga Soomaalida iyo bulshada Kenya
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhamaadkii bishii aynu soo dhaafnay daah furay "barnaamijka isdhexgalka qaxootiga iyo Kenyaanka" ee loo yaqaan (Shirika Plan), iyada oo la doonayo in wax looga badalo nolosha iyo isdhexgalka qaxootiga iyo dadka ay martida u ahaayeen 30-kii sano ee la soo dhaafay.
Barnaamijkan ayaa marka uu hirgalo, sida ay dowladdu sheegtay, wax badan ka baddelaya nolosha Qaxootiga iyo dadka ay martida u yihiin.
Isaga oo ka hadlayay daahfurka barnaamijka ayaa William Ruto uu sheegay barnaamijka Shirika in uu muujinayo kalsoonidooda, uuna yahay xal iyaga ka yimid, uuna kor u qaadayo baaqa Midowga Afrika ee xallinta arrimaha Afrika, sidoo kalana ah caqabado caalami ah.
Ku dhowaad nus malyan qof oo qaxooti ah ayay martigalisaa Kenya, iyada oo intooda ugu badan ay ku nool yihiin xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma.
Muxuu yahay Shirika Plan
Ismaaciil Guutaale oo ah gudoomiyaha qaxootiga degmada Kamakunji ee Nairobi ayaa BBC uga waramay waxa uu yahay barnaamikan iyo waxa uu uga dhigan yahay qaxootiga ay Soomaalidu ka mid tahay.
''Barnaamijkan waa mashruuc aad u balaaran oo dowlada Kenya ay leedahay hindisihiisa, kaasi oo ulajeedku ugu weyn ee laga leeyahay uu yahay qaxootiga inay helaan adeegyada aasaasiga ah oo dadka Kenyaanku ay iyagu horay u helayeen. Dadka qaxootiga ee loogu talagalayna waa kuwa deggen xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma" ayuu yiri.
Madaxweyne Ruto ayaa daahfurkii barnaamijka ka sheegay in qorshaha cusub uu buuxinayo istaraatiijiyada dowladda ee lagu darayo qaxootiga qorshayaasha horumarineed, iyaga oo uu ku darayo waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo nidaamyada dhaqaale.
Ismaaciil ayaa sheegay in barnaamijkan loogu talagalay in uu buuxiyo baahida aasaasiga ee ay qaxootigu qabeen, gaar ahaan kuwa ku nool xeryaha.
''Dadka qaxootiga ee ku nool xeryaha waxaa ay horay u ahaayeen kuwo kaalmo ka hela hay'adaha bini'aadanimada ka shaqeeya oo ku tiirsan gargaarka caalamiga, haddii ay tahay cuntada iyo caafimaadka, laakiin hadda adeegyadaasi oo dhan waxaa badalkeeda ay heli doonaan fursado ay ku shaqeystaan, iyo fursado adeegyada caafimaadka dowlada ay ku heli karaan'' ayuu yiri Ismaaciil.
Waxaa uu intaasi ku daray xeryaha qaxootiga in loo baddeli doono magaalooyin oo adeegyadii oo dhan ay ku idil yihiin.
''Waxaa ay noqonayaan meel la wada deggan yahay, oo labadaba - qaxootiga iyo Kenyaanku - ay ka helayaan adeegyo dheelli tiran oo kuwa aasaasiga ee qofka bini'aadamku uu u baahan yahay'' ayuu yiri.
Waxaa uu intaa ku daray ''Waxaa la dhihi karaa waa waa cusub oo u beryaya qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma, qaxootiyadaas oo jinsiyado badan oo Afrikaan iyo kuwo aan ahaynba isugu jira, wax weyn weyn ayay ka beddeli doontaa nolosha dadkaas, maadaama ay siinayso fursado ay qayb kaga ahaadaan, dhaqaalaha ay sameeyaan, oo qayb ka noqdaan horumarka dhaqaalaha dalka, iyaguna nolol ahaan ay isbedelaan. Sidoo kalana deegaamayntoodu ay noqoto deegaamayn rasmi ah'' ayuu yiri Ismaaciil.
''Adeegyada dowlada oo dhan oo ay toos u helaan, taas ayaa waxa ay u tahay horumar qayb weyn oo noloshooda ay ku talaabsadaan''.
Barnaamijkan oo maraya wajiyo kala duwan ayaa soconaya sida uu sheegay Ismaaciil ilaa iyo 2035, iyada oo uu hadda ku jiro wajiga Koowaad oo ah kalaguur, kaasi oo soconaya muddo afar sano ah, waxaana xiga qaybta xasilinta ee barnaamijka oo ka bilaabanaysa 2028 ilaa 2031.
Maxay ka yiraahdeen masuuliyiinta Soomaalida Kenya
Xildhibaan Faarax Macalin oo laga soo doorto deegaanka Dhadhaab ayaa isaga oo u warramayay BBC sheegay dadka in aysan wax dan ah ugu jirin barnaamijka, lana doonayo in dadka lagu sii dhex daayo.
Waxaa uu intaas ku daray barnaamijka "inuu dadka u kala saaray dhowr qaybood oo ay kamid yihiin carruuta yimid iyaga oo aan waalid la socon ee sannadka hadda aynu ku jirno wixii ka horeeyay dadkii yimid ka mid ahaa", qaybtaasi oo sida uu sheegay kaalmo boqolkiiba 60 heli doona, dumarka carruurta badan dhalay iyo dadka baahiyaha gaarka qaba ama dadka xannuunada muddada dheer qabay ayuu iyagana sheegay inay qayb ka yihiin barnaamijka.
Dadka qaarkood ayaan heli doonin wax kaalmo ah sida uu sheegay xildhibaan Faarax.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay dadka in aysan ka maarmin kaalmadii ay ka heli jireen hay'adaha, ayna u badan yihiin dad maato ah oo aan shaqeysan karin.
Kenya ayaa waxaa ku yaalla xerayaha ay ku jiraan qaxootiga ugu badan ee qaaradda Afrika, kuwaasoo furnaa tan iyo sannadihii sagaashameeyadii.
bbc/somali