MD.Cirro Oo Dhagax Dhigay Aagga Warshadaha

0
Tuesday March 25, 2025 - 09:51:43 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MD.Cirro Oo Dhagax Dhigay Aagga Warshadaha

    Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Wershadaha Siciid Maxamed Buraale,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Wershadaha Siciid Maxamed Buraale,

 



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si rasmi ah u dhax-dhigay Aagga Wershadda ee magaalada Berbera, halkaas oo noqon doonta xarun u gaar ah wershadaha iyo wax soo saarka dalka.

 

Munaasibad ballaadhan oo ka qabsoontay Aagga loogu talo-gelay wershadaha ayuu Madaxweynuhu ka dhagax-dhigay mashruucan oo laf-dhabar u ah horumarka dalka,isla markaana saamayn weyn ku yeelan doona nolosha bulshada reer Berbera.

 

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Wershadaha Siciid Maxamed Buraale, oo ka hadlay horumarka iyo muhiimada ay Qaranka u leeyihiin Aagga Wershaduhu, ayaa sheegay in ay habboon tahay in mudnaan gaar ah la siiyo.

 

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo maalgashanaysa dalka Jamhuuriyada Somaliland,waxaanu xusay in dhawaan alaabtii debada laga keeni jiray ay Wershaduhu halkan ku samayn doonnaan.

 

Gaba-gabdii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si rasmi ah uga dhagax-dhigay Magaalada Berbera Aaga Warshadaha.


Loading...
Loading...