Wasiirka Tamarta iyo Macdanta JSL oo Faahfaahiyay Faa'iidooyinka Laga Dhaxli Doono Mashruuca Tamarta Cadceeda Berbera

0
Tuesday March 25, 2025 - 07:00:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Tamarta iyo Macdanta JSL oo Faahfaahiyay Faa'iidooyinka Laga Dhaxli Doono Mashruuca Tamarta Cadceeda Berbera

    Maanta waxa aynu joognaa madaxwayne xaflada dhagax-dhiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta waxa aynu joognaa madaxwayne xaflada dhagax-dhiga



Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Jaamac Barre oo ka hadlayay munaasibada dhagax dhiga ballaadhinta Korontada Berbera oo madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu dhagax dhigay ayaa ka warbixiyay maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray mashruucaasi iyo waxyaabaha uu ka tari doono guud ahaan Korontada dalka, gaar ahaan Korontada Berbera, waxaanu tilmaamay dedaalka ay u galeen in la helo mashruucan waxaanu sheegay

 

" Tamarta aynu isticmaalno guud ahaan waddanka boqolkiiba labaatan bay ka tahay Tamarta la cusboonaysiiyaa, innaguna waxa aynu dhiirigelinaynaa oo awood gelinaynaa in aynu isticmaalno Tamarta la cusboonaysiin karo oo hadda 20% dalka oo dhan ah waxa aynu isticmaalno.

 

Maanta waxa aynu joognaa madaxwayne xaflada dhagax-dhiga Koronto ballaadhinta magaalada Berbera, madaxwayne dhagax dhigani wuxu ku yimi dedaal badan oo Habeen iyo Maalin ah oo aanu ka wada shaqaynay kooxda wasaaradda iyo mashruuca World Bank oo aan aad ugu mahadnaqayo.

 

Ujeedooyinka mashuurcan laga doonayo guud ahaan oo Berbara kow ka tahay waxa weeye in la gaadho laydh jaban, shabakada isku xidhka Tamarta magaalooyinkan in la haagaajiyo”.

 

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Jaamac Barre ayaa sheegay in hiigsigood ka wasaarad ahaan uu yahay in la helo Tamar jaban, la isku halayn karo, dadkuna ay wada awoodi karaan waxaanu sheegay

 

" Mudane Madaxwayne annaga oo ka duulayna qorshayaashii xisbiga iyo himilada xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad oo ay saldhiga u tahay in ay shacabka Somaliland helaan Koronto bad-qabta, la isku halayn karo isla markaana la awoodi karo, waxa aanu hiigsanaynaa in qiimaha Korontada Somaliland guud ahaan wadanka uu jabo.

 

Mudane madaxwayne xaaladan imika aynu ku jirno dhammaan wadanka oo dhan marka la qimeeyo, Korontadu waxa ay gaadhsiisan tahay wax ku dhaw 50% dalka oo dhan”.

 

Gebo’gabadii wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa faahfaahiyay mashruucan iyo Tamarta uu soo saarayo iyo sidoo kale isticmaalka shidaalka uu baajin doona sanadkii, kaasi oo dalka faa’iido u noqon doono waxaanu tilmaamay

 

" Madaxwayne magaalada Berbera mashruucani wuxuu ugu deeqi doonaa oo uu siin doonaa, 12 M/W oo ah Tamarta Qoraxda iyo 36 MW/H oo Tamar kaydiyayaal ah oo Baytari ah oo tii aynu soo marnay ah oo meelaha ugu baahid badanle ah.

 

Madaxwayne mashruucani waxa uu baahida dabooli doonaa boqolkiiba sagaashan, sidoo kale waxa lagu qiyaasayaan inuu mashruucani soo saari doono 22.6 G/W/H oo Tamar Cadceeda ah oo dhiganta 62000 KW/H maalintii inuu soo saari doono, taasi macnaheedu waxa weeyi shidaalkii waxa uu dhimi doonaa sanadkii 28250 Footo ayuu dhimaya oo shidaal ah mashruucani ".


Loading...
Loading...