Madaxweyne Cirro Oo Mar Kale Ku noqonaya Imaaraadka Carabta.

0
Monday March 24, 2025 - 10:08:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cirro Oo Mar Kale Ku noqonaya Imaaraadka Carabta.

    Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa ah Dal saaxiib la ah Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa ah Dal saaxiib la ah Somaliland,


Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa mar kale safar ugu baxaya Dalka Imaaraadka Carabta oo uu boqolkii Maalmood ee Muddo Xilleedkiisa Safar Guul u ahaa Kala soo noqday.

Dalkan Waxa maalmahanba joogay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo ceelalyo u ah Safarka dambe ee Madaxweynaha, kaas oo ah mid qorshaysan, balse aan la ogayn in uu ku tagi doono inta Ramadan lagu jiro iyo dhammaadeedka midnaba.


Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa isagu aan khadar Xuseen ku wehelinayn Safarkan Ceelalyada ah oo kaga hadhay Hargeysa.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa ah Dal saaxiib la ah Somaliland, waxaanu dhinaca kalena Kala socdaa Xukuumadda Maraykanka oo ay dadka badankiisu aaminsan yihiin in uu sahan ugu yahay in ay soo degaan Magaaladda Berbera sida lagu baahiyay Warbaahinta caalamiga ah.

Ma cadda in Safarka cusub ee Madaxweynuhu uu yahay hir Gelinta qorshaha Aqoonsiga Maraykanka ee Somaliland iyo In kale.

Safarkii Hore ee Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay Imaaraadka Carabta khudbad uu ka Jeediyay shir halkaasi ka dhacay Waxa uu ku sheegay in Dalka Somaliland uu u baahan yahay Aqoonsi, si ay Dunida wax ula qaybsadaan.
Loading...
Loading...