Cashuurta Kabka Ee Caasimada Hargeysa Noqon Mayso Deeq Mucaawimo.

0
Wednesday July 24, 2019 - 20:12:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cashuurta Kabka Ee Caasimada Hargeysa Noqon Mayso Deeq Mucaawimo.

    Hargeysa Ma Toostay..!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa Ma Toostay..!

Dakhliga Kabka waa cashuur dawladaha hoose leeyahiin balse dawlada dhexe u qabto kadib markii la sameeyay xeerka midaynta cashuuraha Xeer no.12. Isla markaana 6dii bilood ama sanadkiiba mar ayaa loosii daayaa Degmooyinka mid walba percentage ka ay leedahay. Soomaalidu waxay tidhaa Xaafad waxay xaafad kale ugu wareegtaa waa Xasarad. Dakhliga ay degmo leedahay in lasiiyo degmo kale waa dood jaban oon daliil iyo sharcitoona loo haynin.



Cashuurta Kabka ay xaqa u leedahay Caasimada Hargeysa in loo qaybiyo gobolada waa qayrul sharci baalmarsan nidaamka iyo cadaalada. Shacabka Reer Hargeysa si cad hawga soo hor jeedsadeen in cashuurtooda lagu tagrifalo sidii ay tahay deeq mucaawino ah ama lacag dawlada dhexe leedahay oo si siman loogu qaybinayo Degmooyinka.


Suurtgal maaha in caasimada la yidhaa 6% ayay ku yeelanaysaan cashuurtii kasoo baxday kastmada Hargeysa, halka ay hore 31% ka lahayd. Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Xeer No 23/2002, qodobkiisa 89aad, si cad ayuu uga soo horjeedaa jaangooyada cusub ee Golaha Wakiilada ansixiyeen dhowaan.


Qodobka 89aad: Nidaamka Qoondaynta Dakhliga Kabka (12.5%).

1) Dakhliga dawlada dhexe siiso degmooyinka ee ah qadarka ay ka helaan miisaniyada guud ee loo yaqaano kabka (12.5%), waa in loo qaybinayaa


degmooyinka iyada oo lagu salaynayo noocyada darajooyinka kala duwan ee
degmooyinka iyo shuruudaha (Criteria) ay ka mid yihiin tirada dadweynaha degmada, baaxada dhulka ay ku fadhido degmadu iyo dakhliga ay soo saaraan"


Hargeysa waa Caasimada JSL, waa hooyada dalka, waa muraayada Somaliland. 28 sano Xeerkii Caasimada waxa hoosta gashaday Golaha Wakiilada oo ragaadiyay maantana cashuurtii kabka ee Caasimadu xaqa u lahayd in cadaalada laga leexiyo waa nasiib daro. Sidaas darteed Caasimadu cadaaladbay rabtaa ee curyaaminta halaga daayo.


Wabilaahi tawfiiq

Qalinkii: Mohamed Gacayte
Hargeysa/Somaliland

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...