Wax qabadkii xukuumada cusub ee Somaliland ee uu Hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro iyo dhaliilaha u baahan in wax laga qabto.

0
Sunday March 23, 2025 - 14:10:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax qabadkii xukuumada cusub ee Somaliland ee uu Hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro iyo dhaliilaha u baahan in wax laga qabto.

    Wadadii Baki oo la billaabay dhagax dhigeedii iyo dhismaheedii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadadii Baki oo la billaabay dhagax dhigeedii iyo dhismaheedii.


Xukuumada Somaliland ee cusub ee uu hogaaminaayo madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro wax weyn ayay gabatay 100-kii casho ee ay xukunka haysay.

1- Saami qeybsigii Xukuumada oo reer kastaaba iska dhex arkay oo cadaalad ah .
2- Mushaharkii oo ciidamada qaranka somaliland loo kordhiyay.
3- Tirakoobkii ciidanka oo la sameeyay lana wado weli.
4- Ciidamadii Medeniga ahaa oo la qarameeyay intoodii badnayn.
5- Shaqaalaha qaranka oo la tayeeyay iyo adeegii bulshada.
6- Wadadii Balligubadle ee xisbiga waddani ballan qaaday oo uu bilaabay dhagax dhigiisa iyo dhismihiisii


6- Wadadii Baki oo la billaabay dhagax dhigeedii iyo dhismaheedii.
7- Ka shaqeynta midnimadii iyo wada jirkii shacabka Somaliland.
8- Wada tashiga madaxweynahu la sameeyay wax garadkii iyo aqoon yahankii iyo culimadii dalka.
9- Arinaha gudaha iyo Ka shaqeynta arimaha nabad gelyada iyo xasiloonidii dalka
10- arimaha dibeda iyo guulihii xukuumada Somaliland iyo madaxweyne Ciro ka soo hooyay weliba shirkii Dubai ee caalamiga ahaa.
11- Gogol dhigii gogosha nabada colaadaha bariga ee Buuhoodle iyo Sool iyo Sanaag
12- Jeelashii dalka oo waxbarasho iyo dhaqan celis laga dhex furay oo manaahij loo sameeyay .
13- Jeelka dhalinyarada dhaqan celiska iyo barbaarinta iyo waxbarashada.
14- Soo afjarka colaadihii mar kasta ka soo cusboonaanaayay ceel afweyn .
15- Xukuumadii oo sir yeelatay oo shirarkii ay ka soo qeyb geli jireen wasiirada iyo wasiiro ku-xigeenka iyo agaasimayaasha shirkii xukuumada ee khamiisaha oo ku soo koobtay wasiirada oo qudha.
16- Warkii iyo sirtii xukuumada ee maqaaxiyaha iyo mafrashyada lagaga hadli kiray oo la waayay iyo waxyaabo kale .

DHALIILAHA XUKUUMADA CUSUB.

Xukuumadu waxay ku guul daraysatay in ay wax qabadkeedaa balaaadhan shacabka u soo gudbin karto oo la socodsiin karto.
Sababo muuqata awgeed.
1- Xukuumadu weli waxay dhamays tiri kari la'dahay in ay xukuumadii la doonaayay ee isbedel doonka laga rabay , ay dhamays tiri kariwayday.
2- Xilal badan oo xukuumadii la bedelay weli xilalka sii hayaan oo aan la bedelin.
3- wax qabadkaa balaadhan iyo isbedelkaas oo xukuumadu shacabka u soo bandhigi kari la'dahay oo la socodsiin kari la'dahay .
4- Dad badan oo aan xilka u bislayn oo ay xilal u dhiibtay (qabyaalad awgeed iyo raali gelin).
5- xukuumadan oo ku liidata warbaahinta iyo wax la socodsiinta shacabka .
6- Hogaan wax la socodsiiya oo ay afkooda wax ka maqlaan ayay shacabku u baahan yihiin halkii ay cid kale wax ka maqli lahaayeen .
7- Xukuumada oo khibrad iyo waayo aragnimo ku shaqayysiin madaxda Xukuumada hogaaminaysa.
8- Sicir bararkii iyo shidaalkii iyo sarifkii oo aan weli waxba iska bedelin.

Cali Biixi
Loading...
Loading...