"Jidkani waxa uu dhibka ka dul qaadi doonaa gaadiidkii ku xumaan jiray"Madaxweynaha Somaliland

0
Saturday March 22, 2025 - 16:40:59 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Jidkani waxa uu dhibka ka dul qaadi doonaa gaadiidkii ku xumaan jiray"Madaxweynaha Somaliland

    Munaasibadda xadhig-ka-jarka ayaa ka qabsoontay dusha sare ee buurta...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibadda xadhig-ka-jarka ayaa ka qabsoontay dusha sare ee buurta...
May be an image of 11 people, road and text that says 'C 리가 দয় चट् 길 বज 0可 데리 อ 비리'



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku tegay maanta Gobolka Saaxil ayaa xadhiga ka jaray dib u dhis iyo dib u habeyn ballaadhan oo lagu sameeyey jidka isku xidha Magaallooyinka Berbera iyo Sheekh.


Munaasibadda xadhig-ka-jarka ayaa ka qabsoontay dusha sare ee buurta Sheekh,waxaana haddalo ka jeediyey ugu horreyn wasiirka Wasaaradda jidadka iyo meereeyaha Hay’adda Waddooyinka Qaranka,kuwaas oo u mahadceliyey shaqalihii hawshaa baaxadleh qabtay mudda’daas kooban ee habeen iyo maalin aan ka nasan.
Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray jidkaas oo dib u dhis lagu sameeyeya iyo labaatan buundo oo la hagaajiyey,waxaanu sheegay inay sahli doonto isku socodka Gobollada dalka.
Loading...
Loading...