DEG DEG Madaarka Heathrow ee magaalada London oo albaabada la isugu laabay

0
Friday March 21, 2025 - 16:39:59 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Madaarka Heathrow ee magaalada London oo albaabada la isugu laabay

    Madaarka Heathrow ee dalka Ingiriiska ayaa lagu tilmaamaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaarka Heathrow ee dalka Ingiriiska ayaa lagu tilmaamaa


Dab weyn oo ka kacay xarun koronto oo u dhaw madaarka Heathrow ee magaalada London ayaa sababay in gebi ahaanba la joojiyo shaqadii madaarkaasi ka socotay.
Dhacdadan ayaa sababtay khal-khal ku yimi dhammaan duulimaadyada diyaaradaha adduunka.
Boqolaal kun oo rakaab ah ayaa ku xanniban madaarada kala duwan ee caalamka.
Dadka rakaabka ah ayaa lagu wargeliyay inaanay tagin madaarka, isla markaana ay la xidhiidhaan shirkadaha duulimaad ee qaadi lahaa si ay macluumaad u helaan.
67,000 oo guri oo u dhow gegida diyaaradaha ee Heathrow ayaa noqday koronto la'aan.
Dhacdadan ayaa saamayn doonta 1300 oo duulimaad caalamka oo dhan.
Waqtigii lagu dhawaaqay inuu madaarku xidhan yahay waxa hawada ku jiray 120 diyaaradood oo lagu wargeliyay inay duulimaadkooda u leexiyaan madaarada kale ama ay ku noqdaan madaaradii ay kasoo kaceen.
Madaarka Heathrow ee dalka Ingiriiska ayaa lagu tilmaamaa ka ugu mashquulka badan qaaradda Yurub iyo ka labaad ee ugu mashquulka badan dunida.

 
Loading...
Loading...