Madaxweynaha Somaliiland oo Daah Furay Diiwaan Gelinta Casriga ah ee Ciidamada dalka

0
Friday March 21, 2025 - 10:00:22 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliiland oo Daah Furay Diiwaan Gelinta Casriga ah ee Ciidamada dalka

    Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ay farxad wayn u tahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ay farxad wayn u tahay



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa dah furay Munaasibadda Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay Hoolka Weyn ee Ciidanka Booliska.

 

Munaasibadda daahfurka diiwaan gelinta casriga ah ee ciidamda kala duwan ee dalka oo ahayd munaasibad si wayn loosoo agaasimayay ayya ka qayb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr Cabdraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,xubno ka tirsan golaha wasiirada taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada dalka iyo masuuliyiin kale.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ay farxad wayn u tahay in uu ka soo qayb galo isla markaana uu daah furo diiwaangelinta casriyaynta ciidamada kala duwan ee dalka waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ciidamada dalku mundaanta koobaad u leeyihiin qaranka in si casri ah oo dhammaystiran in loo diiwaan geliyo isla markaana dib loo habeeyaana ay tahay mid ka mid ah balanqaadyadii xukuumadda Waddani ee waxqabad iyo wada jir lagu doortay.

 

War saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada daah furka ka dib,ayaa u dhignaa sidan

 

 

 

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa dah furay Munaasibadda Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay Hoolka Weyn ee Ciidanka Booliska.

 

Waxa xusid mudan in Ballan-qaadyadii ay Xukuumadda Cusub ee Wadajir iyo Waxqabad ay la gashay ummadda Somaliland ay ka mid ahaayeen Diwaangelinta, Tayaynta, Casriyeynta iyo Xaq-siinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Munaasibadda ka jeediyey hadal aad u qiimo badan waxa uu sheegay in ay isaga farxad gaar ah iyo dareen masuuliyadeed u tahay in uu ku dhawaaqo bilowga Diwaangelinta Casriga ah ee Taariikhiga ah ee Ciidamada kala duwan ee JSL (

Loading...
Loading...