Fihiima Quuje oo Nabad ku baaqday.
Saddex sannadood wax ku dhaw ayaan dhiig, dhaawac iyo dhimasho uun ku dhex jiraa, waa muddo badan. Siyaasiyiintayadii iyo garaaddadayadii waxay ku guuldarraysteen in ay nabad noo keenaan. Shuruudo bilaa macne ah, iska wareeg dibadeed iyo xaflado ayay ku mashquulsanaayeen, halka dhallinyaradayadii marna Buqdharkayn ku dhimanayso marna Ceergaabo marna Shangeed iyo Qurulugud.
Isaaq waxaan odhan karay waan idhi, hadda laga bilaabo tolkay Dhulbahante ayaan usoo jeesanayaa iyo siyaasad xumadoodo.
Anigu naag qoyskeeda hoose dhulkaa furinta noqday ay degganyihiin baan ahay, marka waan ku daalay dagaalkaas. Adeerrayaal Firdhiye iyo garaaddadoow nabad noo keena. Sida aad ku keenaysaan idinkay idiin taallaa, nabad ayaannu rabnaa.
Waxan u hadlayaa boqollaal ila mid ah oo aan codkoodu dadka gaadheyn iyo kumannaan lagu cabsi geliyo hays jilcin iyo isadkee.
Hoggaamiyayaashayada waxannu uga fadhinaa nabad, weliba reerahayaga furintaas deggani.