Maayirka Berbera oo Mamnuucay Ka Qaybgalka Ardayda ee Soo Dhawaynta Madaxweyne Cirro
"Tani waxay ka duwan tahay dhaqankii hore ee xukuumadihii Kulmiye"
Berbera (HWN) Maayirka magaalada Berbera ayaa amar ku bixiyay in aan ardayda iskuulada loo soo saarin soo dhawaynta Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ku aaddan Berbera maalmaha soo socda.
Tani waxay ka duwan tahay dhaqankii hore ee xukuumadihii Kulmiye, kuwaas oo ardayda ka qaybgelin jiray soo dhawaynta madaxweynayaasha.
Maayirka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka in ay si weyn u soo dhaweeyaan madaxweynaha qaranka.
Go’aanka maayirka Berbera ee ku saabsan ka qaybgelinta ardayda ee soo dhawaynta madaxweynaha ayaa muujinaya isbeddel ku yimid hab-dhaqanka soo dhawaynta madaxda qaranka, iyadoo la tixgelinayo daryeelka ardayda iyo in aan lagu mashquulin hawlo aan waxbarashadooda la xidhiidha
Loading...
Loading...