Maxaa loo xiray duqa magaalada Istanbul ee loollanka adag kula jiray Erdogan?

0
Thursday March 20, 2025 - 09:03:52 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa loo xiray duqa magaalada Istanbul ee loollanka adag kula jiray Erdogan?

    Ekrem Imamoglu wuxuu ku qoray baraha bulshada,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ekrem Imamoglu wuxuu ku qoray baraha bulshada,,,



Baaris musuqmaasuq ayaa loo xiray duqa magaalada Istanbul maalmo un ka hor markii loo xuli rabay in uu noqdo musharax madaxweyne.

 

Ekrem Imamoglu ayaa loo arkayay in uu yahay siyaasiga sida weyn uga horjeedo madaxweyne Recep Tayip Erdogan. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in looga shakisan yahay "hoggaamiye urur dambiilayaal ah".

 

Mas'uuliyiintu waxay xireen ilaa 100 qof oo laga shakiyay. Dadka la xiray waxaa ku jira siyaasiyiin kale, wariyayaal iyo ganacsato. Afar maalmood oo xayiraad ah ayaa la saaray xafiiska duqa magaalada taas oo qeyb ka ah baarista.

 

Ekrem Imamoglu wuxuu ku qoray baraha bulshada "lama aamusinkaro waxa dadku doonayaan".

 

Muuqaal Fiidiyow ah oo la soo dhigay internet-ka ayuu ku ballanqaaday in uu taagan yahay dadka Turkiga iyo "adduunka inta u taagan dimuqraadiyada iyo cadaaladda".

 

"Waxaa iga go'an in aan u dagaallamo xuquuqda aasaasiga iyo xoriyadda," ayuu yiri Imamoglu.

 

Xarigiisa ayaa ku soo aaday kaddib howlgallo bilihii u dambeeyay lagu soo qabqabanayay mucaaradka dalka oo dhan.

 

Dadka ka horjeeda ayaa ku tilmaamay in ay siyaasad ka dambeyso balse Erdogan oo 22 sano xukunka hayay iyo xisbigiisa way beeniyeen arrintaas, waxayna ku adkeysteen in garsoorka Turkiga uu yahay mid madaxbannaan.

 

Sanadkii la soo dhaafay Imamoglu ayaa markii labaad loo doortay duqa magaalada Istanbul kaddib markii xisbigiisa CHP ku guuleystay Istanbul iyo Ankara.

 

Waxay aheyd markii ugu horreysay ilaa intii xukuka uu yimid Erdogan in xisbigiisa looga adkaado doorashooyinka dalka.

 

Doorashooyinkaas ayaa sidoo kale dharbaaxo ku ahaa madaxweynaha oo ku soo barbaaray Istanbul, kana noqday duq magaalo markii uu xukunka soo korayay.

 

Tobaneeyo boolis ah ayaa ka qeybqaatay in xoog lagu galo guriga Imamoglu ee magaalada.

 

Xulista musharraxa u tartamaya madaxweynaha ee xisbiga CHP oo Imamoglu u taagan yahay ayaa la filayaa in ay dhacdo Axad soo socota.

 

Arrintan ayaa sidoo kale ku soo aaday kaddib markii jaamacadda Istanbul ay waxba kama jiraan ka dhigtay shahaadadiisa arrima la xiriira khaladaad. Arrintan ayaa sidoo kale ka hor istaageyso Imamoglu in uu tartamo jagada madaxweynaha.

 

Sida uu qabo dastuurka Turkiga, madaxweynaha waa in uu haystaa tacliin sare inta uusan xafiiska imaan.

 

Imamoglu ayaa ku tilmaamay tallaabadaas "mid aan sharciyan sal laheyn" isagoo sheegay in jaamacdu dhexdhexaad noqoto, oo faraha kala baxdo siyaasada, xoogana saarto tacliinta.

 

Xisbigiisa CHP ayaa baarista lagu sameeyay Imamoglu ku tilmaamay "isku day afgembi" oo looga hortagayo dalka "in uu go'aansado madaxweynaha soo socda".

 

Guddoomiyaha xisbiga, Ozgur Ozel, ayaa barta X ku qoray in go'aan loo gaaro dadka iyadoo la beddelayo go'aankooda ama si xoog ah lagu joojinayo in ay ka dhigan tahay afgembi.

 

Guddomye ku xigeenka xisbiga, Ilhan Uzgel, ayaa ku eedeeyay dowladda in xariga ay u adeegsaneyso sida "qalab lagu cadaadiyo" mucaaradka Turkiga.

 

Wuxuu BBC-da u sheegay in xisbigiisa uu aad uga walaacsan yahay xaalada dimuqraadiyada guud ahaan Turkiga.

 

Warbaahinta dowladda taageersan ayaa sheegtay in loo haysto Imamoglu wax isdabamarin iyo in uu taageeray PKK.

 

Xisbiga PKK ee kurdiyiinta waxa uu ka horjeeday dowlada ilaa iyo 1984-tii, waxaana looga aqoonsasday urur argagixiso Turkiga, Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka.

 

Kaddib xarig-wadareedka, waxaa lagu amray Istanbul in 4 maalmood aan la qaban karin wax dibadbax ah, shirar iyo warsaxaafadeedyo si loo ilaaliyo "nidaamka kala dambeynta" loona joojiyo falalka keenaya dhibaatooyinka.

 

Magaalada Istanbul waxaa la xiray wadooyin badan halka qaar ka mid ah khadadka tareenada la joojiyay adeegooda.

 

Wararka waxay sheegayaan in xayiraad adag la saaray baraha bulshada sida X, YouTube, Instagram iyo TikTok kaddib markii dadka la xirxiray.

 

Ma ahan markii ugu horreysay Imamoglu uu wajaho arrimo sharci. Sanadkii 22-kii waxaa lagu xukumay labo sano iyo bar kaddib markii uu madax ku aflagaaddeeyay isagoo qudbad jeedinayay

BBC/SOMALI


Loading...
Loading...