15 Maarso 2025Dayax-madoobaad sanado kadib lagu arkay dalalka Carabta iyo Afrika

0
Sunday March 16, 2025 - 08:36:34 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    15 Maarso 2025Dayax-madoobaad sanado kadib lagu arkay dalalka Carabta iyo Afrika

    Dayax-madoobaadka, oo markii ugu horreysay sanadkan la arkay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dayax-madoobaadka, oo markii ugu horreysay sanadkan la arkay



Cirbixiyeennada adduunka ayaa shalay subax ku waabariistay dayax-madoobaad laga arki karay qeybo ka mid ah adduunka, oo ay ku jiraan Galbeedka Afrika, oo dalal Carbeed ay ka mid yihiin.

Dayax-madoobaadka, oo markii ugu horreysay sanadkan la arkay, ayaa si buuxda looga dareemay Waqooyiga iyo Koofurta Ameerika, balse lagama arkin Aasiya iyo Bariga Afrika.

Markii hore waxaa laga arkay Galbeedka Afrika, oo ay ku jiraan Mauritania, Morocco, Algeria, Tunisia, iyo galbeedka Libya, sida ay sheegtay Xarunta Caalamiga ah ee Cirbixiyeenka.

Arrintan ayaa dhacday markii ugu horreysay tan iyo bishii May 2022, markaas oo midabka dayaxu isku beddelay casaan tiq ah.

Dayaxa ayaa midabkan casaanka ka hela fallaaraha cadceedda oo soo gaara dayaxa marka dayax-madoobaad dhaco, wuxuuna usii gudbiyaa dhulka.


Loading...
Loading...