Hargab iyo Xumad Saameyn Ku Yeeshay Qaarka Mid Ah Bulshada Somaliland.
Xanuunkan waxa uu leeyahay xumad aad u daran, qufac joogto
Gobollada Somaliland waxaa ka jira hargab wata xumad iyo lafo-garaac,kaas oo si gaar ah u saameeyay dadka u nugul xanuunada, sida carruurta iyo waayeelka.
Xanuunkan waxa uu leeyahay xumad aad u daran, qufac joogto ah, iyo madax-xanuun. Bulsho badan ayaa la tacaalaysa, iyagoo u tagaya dhakhaatiirta si ay daawo u helaan.
Waxa lagama maarmaan ah in wasaaradda caafimaadku sameyso baadhitaan si loo ogaado nooca hargabkan iyo qaabka looga hortagi karo.
Sidoo kale, bulshada waa in laga wacyigaliyo si ay taxaddar u sameeyaan oo ay uga hortagaan faafitaanka xanuunkan.
Haddii qof qoyska ka mid ah uu ku dhacdo, waxaa suurtagal ah in xumaddu reerka oo dhan wada saameyso, iyadoo qof walba ay si kala duwan ugu dhacayso, Alle ayaa daawada hayee, waxaa muhiim ah in la sameeyo dadaallo lagu xakameynayo fiditaanka xanuunkan.
Tusaale ahaan hadii qof ku dhacdo dhamaan waxa suuro gal ah in ay qoyska ku wada dhacdo oo reerkaas xumad uwada seexdo dadkuna way kula duwan yihiin qaarkood waxba yeeli mayso qaarna aad ayay ula tabcanayaan.
Hadii aad xumad iyo garab is wata dareento ka xakamee Bulshada,sababtoo ah xanuunkan sida hargabka ayuu u fidayaa inkastoo dhakhtartu sheegeen in kaneecadu gudbiso.
Loading...
Loading...