Dalalka G7 oo ku kulmaya Quebec, Canada

0
Thursday March 13, 2025 - 09:45:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka G7 oo ku kulmaya Quebec, Canada

    Kadib wadahadallo socday ku dhawaad siddeed saacadood,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib wadahadallo socday ku dhawaad siddeed saacadood,



Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka horumaray ee G7 ayaa la filayaa inay isugu yimaadaan wadahadallo socon doona maalmo dhowr ah, kuwaas oo ka dhici doona magaalada Quebec ee dalka Canada. Kulammadaasi waxay diiradda saari doonaan soo afjaridda dagaalka Ruushka iyo Ukraine iyo taageeridda Ukraine oo saddex sano dagaal kula jirtay Ruushka.

 

Wadahadalladan ayaa yimid ka dib go'aankii Mareykanku uu dib ugu billaabay wadaagga sirdoonka iyo taageerada military oo uu siiyo Ukraine, kadib markii saraakiil sare oo labada dal ka kala socday ay ku kulmeen magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya.

 

Kadib wadahadallo socday ku dhawaad siddeed saacadood, Ukraine ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay diyaar u tahay inay ogolaato soo jeedinta Mareykanka ee xabbad-joojin ku-meel-gaar ah oo 30 maalmood soconaysa, taasoo u baahan in Ruushkuna oggolaado.

 

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, oo wariyeyaasha la hadlay xilli uu u socday dalka Canada Arbacadii maanta, ayaa sheegay in Mareykanku uu sameyn doono "meelo kala duwan oo lagala soo xiriiro”, marka laga haldayo Ruushka si loo qiimeeyo doonistiisa ku aaddan heshiiska nabadda.

 

"Hadda, dhammaanteen si weyn ayaan u sugaynaa jawaabta Ruushka, waxaana si adag ugu dhiirrigelinaynaa inay joojiyaan dhammaan dagaallada ... si loo billaabo hannaan lagu gaari karo nabad waarta,” ayuu Rubio u sheegay VOA Arbacadii maanta.

 

Rubio wuxuu intaas ku daray in loo baahnaan doono kormeereyaal dusha ka eegaya xaaladda haddii Ruushku uu oggolaado xabbad-joojinta.

 

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa isaga oo Aqalka Cad ku sugan Arbacadii maanta isaguna sheegay in "Ruushka ay ku xiran tahay” inay xabbad joojinta ogolaadaan.

voa/somali
Loading...
Loading...