Maxay Qatar iyo Sucuudigu u dillaalaan heshiiyada nabadda
Mas'uuliyiin ka kala socda Mareykanka iyo Ukraine ayaa kulan ku yeelanaya yeeshaan Sacuudiga, si ay uga wada-hadlaan heshiis nabadeed oo suurtagal ah oo ay la galaan Ruushka.
Sacuudiga ayaa loo doortay inuu martigeliyo wada-hadalladan, sababtoo ah xidhiidhka dhow ee dhaxal-sugaha boqortooyada, Mohammed bin Salman, uu la leeyahay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay door firfircoon ka qaadan doonaan dhexdhexaadinta dhinacyada dagaallamaya.
Dalka yar ee deriska la ah Sacuudiga, Qatar, ayaa isna noqday dhexdhexaadiye caalami ah oo caan ah labaatankii sano ee la soo dhaafay. Qatar ayaa door hoggaamineed ka qaadatay xabbad-joojinta hadda ka jirta Gaza, taas oo ay dhex-dhexaadisay Israel iyo Xamaas, waxaana ay horey u fududeysay heshiisyo nabadeed oo kale.
Labadan dal waxay isku dayayaan inay helaan sumcad caalami ah iyo saameyn ballaadhan oo ay ku yeeshaan siyaasadda dunida. Waxa ay sidoo kale doonayaan in loo arko dowlado awood badan leh oo xal u heli kara khilaafaadka caalamiga ah.
Waxaa jiray loollan u dhexeeya Sacuudiga iyo Qatar, gaar ahaan saameynta ay ku leeyihiin gobolka. 2017-2021, Sacuudiga iyo xulafadiisu waxay xayiraad saareen Qatar, taasoo sababtay xiisad siyaasadeed oo xooggan. Si kastaba ha ahaatee, labadan dal hadda waxay u muuqdaan kuwa tartan ugu dhexdhexaadinta caalamiga ah. Lama oga haddii tani ay sii kordhin doonto khilaafkooda, ama haddii ay noqon doonto fursad ay ku wada shaqeeyaan
Maxay tahay danta ugu jirta Sucuudiga heshiisyada nabadda ee uu sameeyo?
Sucuudiga ayaa qaatay doorka dhexdhexaadinta nabadda kadib sanado ay ku caan baxeen siyaasad ku dhisan dagaal iyo cadaadis badan.
Sanadkii 2015, waxay si toos ah ugu lug yeesheen dagaalkii sokeeye ee Yemen, iyada oo weerarro cirka ah oo madaafiic ah ay ku qaadeen fallaagada Xuutiyiinta si ay u taageeraan dowladda.
Sanadkii 2017, dowladda Lubnaan waxay Sacuudiga ku eedeysay inuu si khasab ah u xannibay ra'iisul wasaarihii Lubnaan, Sacid Al-Xariiri, si uu xilka isaga casilo.
Sanadkii 2018, wariye Jamaal Khashoggi, oo ahaa dhaliile caan ah oo ka soo horjeeday dowladda Sucuudiga, ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, taas oo ay fuliyeen saraakiil dowladda Sacuudiga ka tirsan.
Dr. Paul Salem oo ka tirsan Machadka Bariga Dhexe ee Washington, ayaa sheegay "in hoggaamiyenimadii hore ee dhaxal-sugaha boqortooyada, Mohammed bin Salman, ay la timid dagaal iyo isku dhac badan. Hase yeeshee, waxa uu xusay in uu hadda go'aansaday in dhexdhexaadinta iyo nabadda ay ka faa'iido badan tahay sii hurinta colaadaha.
Elizabeth Dent oo ka tirsan Machadka Washington, oo falanqeeya arrimaha Bariga Dhexe, ayaa sheegtay in dadaalka Sacuudiga ee xasilinta gobolka uu qeyb ka yahay istaraatiijiyad ballaadhan oo ay ku doonayaan inay joojiyaan ku tiirsanaanta dhoofinta saliidda. Waxa ay intaa ku dartay in Sacuudiga uu rabo inuu soo jiito maal-gashiga caalamiga ah si loo horumariyo waxsoosaar cusub oo dhaqaale.
Guul intee le'eg ayay Sucuudigu ka gaadheen heshiiyada nabadda?
Sanadkii 1989, Sacuudiga wuxuu dhexdhexaadiye ka noqday wada-hadallo dhex maray dhinacyadii isku hayay dagaalka sokeeye ee Lubnaan, taasoo horseedday heshiiskii Taif iyo xabbad-joojintii 1990. Tani waxay soo afjartay 15 sano oo dagaal sokeeye ah uu dalkaasi la daalaa-dhacayay.
Sanadkii 2007, Sacuudiga wuxuu fududeeyay heshiiskii Maka, kaasoo soo afjaray colaaddii u dhexeysay kooxaha Falastiiniyiinta ah ee Xamaas iyo Fatax.
Hadda, iyadoo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman uu xukunka hayo, Sacuudiga ayaa mar kale qaadanaya doorka nabad-dhiska.
Tan iyo 2022, wuxuu wada-hadallo la yeeshay fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen si loo gaadho xabbad-joojin rasmi ah.
Sidoo kale, Sacuudiga wuxuu martigelinayay wada-hadallo dheer oo u dhexeeya dhinacyada isku haya dagaalka Suudaan—oo kala ah ciidanka militariga Suudaan (Sudanese Armed Forces) iyo kooxda fallaagada loo yaqaan Rapid Support Forces.
Sanadkii 2022, Sacuudiga wuxuu kor joogteeyey heshiis dhex maray Ruushka iyo Ukraine, kaasoo lagu kala wareejiyay in ka badan 250 maxaabiis dagaal oo la kala qabsaday.
Heshiisyadee nabadeed ayay Qatar samaysay?
Qatar ayaa door muhiim ah ka ciyaartay dhexdhexaadinta colaado caalami ah, iyadoo ka shaqeysay heshiisyo nabadeed oo kala duwan.
Bishii Janaayo 2025, Qatar waxay qeyb ka ahayd koox dalal ah (oo ay weheliyaan Masar iyo Mareykanka) kuwaasoo fududeeyay xabbad-joojintii u dhexeysay Israel iyo Xamaas.
Sanadkii 2020, Qatar waxay dhexdhexaadisay heshiis nabadeed oo u dhexeeyay Daalibaan iyo Mareykanka, kaasoo soo afjaray dagaalkii 18-ka sano ka socday Afghanistan. Heshiiskan wuxuu horseeday in Mareykanka iyo xulafadiisu ay ciidamadooda kala baxaan Afghanistan, halka Daalibaan ay mar kale la wareegeen talada dalka.
Sanadkii 2010, Qatar waxay gacan ka geysatay heshiis xabbad-joojin ah ee dhex maray dowladda Yemen iyo fallaagada Xuutiyiinta, inkasta oo heshiiskaasi uu markii dambe burburay.
Qatar sidoo kale waxay dhexdhexaadin ka gashay colaado qaaradda Afrika ka dhacay.
Sanadkii 2022, waxay ka shaqeysay heshiis xabbad-joojin ah oo dhex maray dowladda Chad iyo tobannaan kooxood oo mucaarad ah.
Sanadkii 2010, waxay fududeysay heshiis nabadeed oo dhex maray dowladda Suudaan iyo kooxo hubeysan oo ka dagaallamayay gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan.
Sanadkii 2008, Qatar waxay dhexdhexaadisay heshiis u dhexeeyay kooxo iska soo horjeeday oo ka dagaallamayay Lubnaan, xilli ay xiisaddu sare u kacday, taasoo abuurtay xilligaas cabsi ah in dalku markale galo dagaal sokeeye aado
Maxay Qatar u rabtaa in ay u ahaato dal heshiisyada dillaala?
Qatar waxay bilowday in ay door muuqda ka ciyaarto dhexdhexaadinta nabadda xilligii Amiir Hamad bin Khalifa al-Thani, kaasoo xukunka la wareegay 1995 kuna sii sugnaa illaa 2013.
Sababta ugu weyn ee arrintan ka dambeysay waxay ahayd rabitaanka Qatar ee horumarinta keydka gaaska dabiiciga ah ee la yiraahdo North Dome iyo South Pars, kaasoo laga helay Gacanka 1990.
Maadaama keydkani uu ku fadhiyo biyaha ay wadaagaan Qatar iyo Iran, Qatar waxay u baahnayd in ay la shaqeyso Iran, inkasta oo xilligaas Iran ay cadow ku ahayd Sacuudiga, sida uu sheegay Dr. HA Hellyer oo ka tirsan Royal United Services Institute ee London.
"Markii Qatar ay ogaatay jiritaanka keydka gaaskeeda, waxay fahantay inay u baahan tahay inay hesho dariiq u gaar ah oo ay horumar ku gaadho," ayuu u sheegay BBC.
Waxay dooratay inay dhexdhexaadiye nabadeed noqoto, sababtoo ah, sida uu sharxay Dr. Hellyer, "haddii aad xidhiidh wanaagsan la yeelato dalal badan, waxaad abuureysaa shabakad caalami ah oo ku taageeri karta."
Doorka Qatar ee dhexdhexaadinta nabadda wuxuu si rasmi ah ugu xusan yahay dastuurka dalka, kaasoo la ansixiyay 2004.
"Qatar waxay dooratay inay dhexdhexaadinta caalamiga ah ka dhigato mid ka mid ah astaamaheeda qaran, waxayna isku aqoonsatay dal ay dalal kale adeegsan karaan," ayuu yiri Dr. Paul Salem.
Sidee ayay Sacuudiga iyo Qatar uga kala duwan yihiin doorkooda dhexdhexaadinta nabadda?
Qatar waxaa badanaa loo doortaa waddanka dillaala dhexdhexaadinta heshiisyada nabadda, sababtoo ah waxay xidhiidh la leedahay kooxo ay Sacuudiga iyo dalal kale diidaan inay wada xaajood la galaan.
"Qatar ma laha nacayb qoto dheer oo ay u qabto kooxaha Islaamiga ah – sida Ikhwaanul Muslimiin, Xamaas iyo Daalibaan – sida ay Sacuudigu ugu qabaan," ayuu yidhi Dr. Paul Salem.
Isagoo sii sharaxaya, wuxuu sheegay in xidhiidhada Qatar ay la sameysay Daalibaan ay u fududeeyeen inay noqoto buundo u dhaxeysa Mareykanka iyo Daalibaan, halka xidhiidhkeeda ay la leedahay Xamaas iyo Israa'iil uu gacan ka geystay xabbad-joojintii ugu dambeysay ee labada dhinac.
"Sacuudiga wuxuu la macaamilaa kiisaska iyo ciyaartoyda caadiga ah, halka Qatar ay la macaamisho kuwa aan caadiga ahayn," ayey tiri Elizabeth Dent.
Si kastaba ha ahaatee, Qatar waxay ka cadhaysiisay Sacuudiga markii ay taageero siisay kooxo ay ka mid tahay Ikhwaanul Muslimiin, taasoo ay Sacuudigu u arkaan in ay khatar ku tahay xukunka boqortooyadooda.
"Xilligii Kacdoonkii Carabta [2010-2011], Qatar waxay taageero buuxda siisay kooxaha mucaaradka ah ee Suuriya iyo Liibiya," ayey tidhi Ms. Dent. "Way caddeysay mowqifkeeda."
Arrintan waxay sababtay "khilaafkii Khaliijka" ee 2017, markaasoo Sacuudiga iyo dalal kale oo Bariga Dhexe ah ay xidhiidhka u jareen Qatar.
Ms. Dent waxay sheegtay in tan iyo wixii markaas ka dambeeyay, Qatar aysan si indho la'aan ah taageero u siin kooxaha xagjirka ah iyadoon marka hore latashi la sameynin deriskeeda. "Hadda waa dhexdhexaadiye aad u dhexdhexaad ah."
Dhanka kale, Dr. Hellyer wuxuu sheegay in Qatar iyo Sacuudiga aysan isku haynin cidda dhexdhexaadineysa heshiisyada nabadda.
"Qatar ma rabto inay la tartanto Sacuudiga xilligan, Sacuudiguna ma rabaan inay la wareegaan kiisaska Qatar," ayuu yiri.
"Nasiib darro, wali waxaa jira se colaado badan oo adduunka ah oo ay labada dhinacba ku mashquulsan yihiin, sina qayb ugu yihiin"
BBC/SOMALI