Waa kuma Mark Carney, raysal wasaaraha xiga ee Canada ee wacadka ku maray inuu iska dhicin doono Trump?

0
Wednesday March 12, 2025 - 08:33:26 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma Mark Carney, raysal wasaaraha xiga ee Canada ee wacadka ku maray inuu iska dhicin doono Trump?

    Carney ayaa la filayaa in raysal wasaare ahaan loo dhaariyo maalmaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Carney ayaa la filayaa in raysal wasaare ahaan loo dhaariyo maalmaha



Mark Carney ayaa ku guuleystay tartanka qofka beddelaya Justin Trudeau ee noqonaya raysal wasaaraha xiga ee Canada, isagoo wacad ku maray in dagaalka ganacsi uu kaga guuleysan doono Donald Trump xilli uu xilka dalka la wareegayo iyadoo ay jirto degganaan la'aan qoto dheer.

 

Ninkan oo hore usoo noqday madaxa bankiyada dhexe ee Canada iyo UK ayaa ka guuleystay saddex musharrax oo hoggaanka Xisbiga Liberal-ka ka tirsan.

 

Inta badan khudbaddiisii guusha, Carney, oo 59 jir ah, ayaa ku weeraray Trump, oo canshuur dheeraad ah kusoo rogay Canada sheegayna inuu doonayo in dalka ka dhigo gobolka 51-aad ee Mareykanka. "Dadka Ameerika waa inaysan khalad gelin," ayuu yiri. "Ganacsiga, sida cayaarta hockey, Canada way ku guuleysan doontaa."

 

Carney ayaa la filayaa in raysal wasaare ahaan loo dhaariyo maalmaha soo socda wuxuuna Liberal-ka ku hoggaamin doonaa doorashada guud ee soo socota, taas oo la filayo toddobaadyada soo socda.

 

Carney, oo hadda ah ninka raysal wasaaraha ka noqon doona Canada, weligii ma qaban xilka xafiis loo soo doortay.

 

Tartanka hoggaanka Liberal-ka ayaa soo billowday January kadib markii Trudeau uu is casilay ku dhowaad toban sano oo uu xilka hayay kadib. Wuxuu wajahay cadaadis gudaha ah oo ku aaddan inuu xilka ka dego sababo la xiriira codbixiyeyaasha oo ku kacay, kuwaas oo ka gadoodsanaa xasaradda dhanka guryaha iyo maciishadda sii qaaliyoobeysa.

 

Carney ayaa wareeggii ugu horreeyay ku guuleystay xalay fiidkii, isagoo helay 85.9% codadka kana guuleystay musharraxii ugu soo dhowaa, waa wasiirkii hore ee dhaqaalaha Chrystia Freeland.

 

Sacab ayaa is qabsaday markii natiijada looga dhawaaqay Ottawa, caasimadda Canada, iyadoo goob-joog ay ahaayeen ilaa1,600 qof oo daacad u ah xisbiga.

 

Xisbiga ayaa sheegay in in ka badan 150,000 oo qof ay codkooda ka dhiibteen tartanka.

 

Carney, oo hoggaamin doona dowlad baarlamaanka looga tiro badan yahay, ayaa laga yaabaa inuu qudhiisa ku baaqo doorasho guud oo degdeg ah amaba axsaabta mucaaradka inay ku qasbaan inay dhacdo kadib codka kalsooni-darrada oo la qaado dabayaaqada bishan.

 

Xubnaha Liberal-ka ee talada haya ayaa wajahay xaalad siyaasadeed tan iyo markii uu meesha ka baxay Trudeau, iyadoo dadka Canada ay saameysay hanjabaadaha ganacsi ee Trump iyo kala goynta dalkooda.

 

Bilowga sanadka, ra'yi ururinta doorashada 20 dhibcood ayay kaga hooseeyeen xisbiga Conservative-ka, oo uu hoggaamiyo Pierre Poilievre.

 

Inta badan khudbadda Carney wuxuu diiradda ku saaray waxa uu ugu yeeray "canshuuraha bilaa sababta ah" ee Trump kusoo rogay Canada, oo ah saaxiibka ganacsiga ee ugu weyn ee Mareykanka.

 

Mareykanka ayaa canshuur 25% ah kusoo rogay alaabaha Canada Talaadadii lasoo dhaafay, balse maalmo gudahood ayuu dib u dhigay si canshuurahaas looga dhaafo badeecooyinka ku jira heshiiska ganacsi ee hore u jiray.

 

Canada ayaa ku jawaabtay canshuur aargoosi ah iyadoo Trudeau uu dhiggiisa Mareykanka ku eedeeyay inuu isku dayayo duminta ganacsiga dalka.

 

Carney ayaa khudbaddiisii guusha ku celiyay arrintaas, isagoo sheegay in Trump uu "weerarayay shaqaalaha Canada, qoysaska, iyo ganacsiyada".

 

"Uma oggolaan karno inuu guuleysto," ayuu intaa raaciyay.

 

Wuxuu sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto canshuuraha badeecada Mareykanka "ilaa dadka Ameerika ay xushmad inoo muujiyaan".

 

Dhaqaalaha Canada ayaa inta badan ku tiirsan xiriirka ganacsi ee Mareykanka wuxuuna halis ugu jiraa hoos u dhac daran kaddii canshuuraha uu Trump ku hanjabay ay si buuxda u dhaqan-galaan.

 

"Waan ogahay in kuwani yihiin maalmo mugdi ah," ayuu yiri Carney. "Maalmo mugdi ah oo uu sababay dal aynaan sii aamini karin.

 

"Waanu ka baxeynaa dhabanna-heyska, balse yeynaan illaabin casharrada: waa inaan is daryeelnaa oo is caawinnaa. Waa inaan isugu tagnaa maalmaha adag ee naga horreeya."

 

Carney waxa uu sidoo kale ballan qaaday in uu "sugi doono xudduudaheenna" - kan oo ah dalabka muhiimka ah ee Trump oo ku eedeeyay Canada in ay ku guuldarreysatay in ay xakameyso qulqulka muhaajiriinta iyo daroogada fentanyl ee la geeyo koofurta.

 

Madaxweynaha Mareykanka ayaa xitaa lagu soo hadal-qaaday weerarradii uu Carney ku qaaday ninkii uu la tartamayay, hoggaamiyahaConservative-ka Poilievre.

 

"Qorshaha Pierre Poilievre wuxuu nagaga tagi doonaa kala qaybsanaan iyo diyaar u noqoshada in nala qabsado," ayuu yiri Carney.

 

Wax yar ka hor inta uusan Carney korin masraxa, Trudeau wuxuu jeediyay khudbad sagootin ah oo qiiro leh, taas oo ka tarjumaysay 12-kii sano ee uu ahaa hoggaamiyaha Liberal-ka.

 

Waxa uu ka digay in Canada ay wajaheyso "caqabad jirta" oo uga imaaneysa Mareykanka xilligan uu xilka hayo Trump.

 

Wasiirka Amniga Dadweynaha ee Federaalka David McGuinty, oo soo dhisay Carney, ayaa BBC u sheegay in "uu muujinayo nooca go'aanka deggan, laakiin go'aan adag iyo karti uu wax kaga qabanayo qaar ka mid ah arrimahan waaweyn".

 

"Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay waxa soo socda. Run ahaantiina, waa waqtigii doorashada."

 

Libaraalka ayaa wajihi doona xisbiga Conservative-ka ee Poilievre, kuwaas oo ah mucaaradka rasmiga ah ee haysta 120 kursi ee Aqalka Baarlamaanka; Bloc Quebecois, kuwaas oo haysta 33 kursi; iyo New Democrats, oo haysta 24, marka reer Canada ay u dareeri doonaan doorashada.

 

Waa kuwee siyaasadaha ugu waaweyn ee Carney?

 

Nikan hore madaxa uga ahaa Baanka Dhexe wuxuu ku socday ajande dhexe oo ballaaran, isbeddel ka yimid Trudeau, oo Libaraalka usoo raray dhanka bidix.

 

Ballanqaadka ugu weyn ayaa ah in la hore loo dhaqaajiyo mashaariicda waaweyn ee tamarta sida dhuumaha, kuwaas oo wajahay jidgooyo siyaasadeed sanadihii u dambeeyay.

 

Waxa uu ballan qaaday maalgashi weyn oo xagga guryeynta ah iyo mashaariicda tamarta nadiifka ah, iyo in la xoreeyo ganacsiga gudaha Canada, halkaas oo caqabadaha u dhexeeya gobollada ay weli taagan yihiin.

 

Intii lagu jiray tartanka hoggaanka, Carney wuxuu ballanqaaday inuu dabooli doono cabbirka dowladda federaalka, taas oo ballaaratay 40% intii uu xilka hayay Trudeau.

 

BBC/SOMALI


Loading...
Loading...