"Ducada xilliga afurka ha dhayalsan"
Anas bin Malik (R.A) wuxuu yiri: 'Rasuulku (CSW) wuxuu yiri: Saddex qof ducadooda lama soo celiyo: QOFKA SOOMAN XILLIGA UU AFURAYO, hogaamiye cadaalad ooge ah, iyo qofka dulmanaha ah ducadiisa.' (Bukhaari iyo Muslim).
Hadaba ha moogaan inaad Alle tuugto, u toobad keento, waa xilli inta badan dadku cuntada hamuun u qabaan oo cid xusuusataaba yar, gacmahaaga kor ataag adoo niyadaadu khaalis thy dantaada iyo baahidaadana EEBE WEYNE u sheego wuu ku ajiibiye..
ducooyinka Nebiga NNKH ka sugnaaday waxaa kamida:
"ذهب الظمأ وابتلت العروق، وثبت الأجر إن شاء الله"
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!