Goormaad, Dhalaashaa.!? Qalinkii: Axmed Cali Kaahin

0
Wednesday July 24, 2019 - 14:28:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goormaad, Dhalaashaa.!? Qalinkii: Axmed Cali Kaahin

    Curiya'yaashu, noocyo kala duwan, bay u dhalaalan, iyo xaalado, kiimikaad, qaar waligood,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Curiya'yaashu, noocyo kala duwan, bay u dhalaalan, iyo xaalado, kiimikaad, qaar waligood,

isma dhalan rogaan,  hawadaa kuwo. badasho, ama biyaha, halka kuwa ugu adag, sida dabku is badalin. Qaarba nooc



Dabaylaha iyo dhacdooyinka noloshu, waxay qaabeeyaan qofnimadaada in badan, iyo waayuhu, sidaad ula tacaasho, taas oo barasho iyo u dhalashaba leh, sidaad u waajahayso mawjadaha nolosha, ee gadgadoonka badan, soona foolyeesha marxaladkasta.


Haddaba sidaa Curiyayaasha, si la miduu, dadkuna waa, jaadyo ama noocyo, qof ba heer uu ku waayo, qofnimadiisa. halka qaar, aanay waligood salguurin sinaba, iyo kuwo meelo dhexe ku banjara, ama judiiba si yar u dhalaala.


Qofkastaa gol’jilic buu leeyahay, balse way kala duwan yihiin, kalana halis badan yihiin, qaar qofknimada lagu waayaa, iyo kuwo, lala noolaan karo, haddaba mushkiladu waxay ka dhacday, marka la ogaado gol’jilicdaada. taasi oo si yar laguu isticmaali karo, khataro badana ku galin karta. Halka dadka xarfaanta ahi ay maareeyaan, goljilicdooda. Qarin, cabudhin iyo culaysna saaraan. Muskhiladuna waa in aad xalin kari waydo.


Haddaba waxa jira heerar qofku ku dhalaalo, oo qofnimadiisa ku waayo, heerarkaasi oo ay sababaan, arrimo badan oo kala duwan, kuguna riixaysa hogaansanaan, mushkiladna ku ah qofnimadaada.


Maxaa ku dhalaaliya.

Rutnii aadahama waxaa ku abuuran baahiyo, iyo rabbitaano jidheed, maskaxeed iyo kuwa nafeed. doonis saraysa oo xoog badan xambaarsan, una baahan taxadir iyo la tacaalid joogto ah. Oo sida dheriga isku laba rogaysa.


Dabaylaha aadamaha riixa, waxa Rabbi swt. Inoogu balbalaadhiayay, Sida ku cad (aayada 14 ee suuratul Al Cimraan,) in dadka loo qurxiyay, jacaylka doonista Dumarka, caruurta, lacagta, dahabka, gamaanka, xoolaha nool, beeraha, kuwaasi Allaabta Aduunyo,balse  Ilaahay agtiisaa loo noqonayaa.


Dhalaaliyaha ugu culus, ee qofku waajahaa waa Maal jacaylka, oo galaafta dunida inta badan halka yuhuuda, oo diiday adoonimo Rabbi, adoomo u noqdeen lacag iyo dahab. Dadka muslimiinta ahna inbadan looga digay dhigaalkaasi.


Arrimo kaloo badanina way ku dhalaalin karaan, Sida madaxtinimada, magac jacaylka, raali galinta rabitaanada nafta, qabyaalad, kooxaysi, baahi. iyo arrimo kale oo kuu gaara, karkaarkana, ku waydaarin kara.

Hanti ka qiimo badan ma jirto, dhawrida iyo dhawrsanaata naftaada, ku dhaganaw, oo hadhalaalin waligaa, sharafta, dhaqaale ma gooyo, ku gabaw gobanimo, dhuunigu wuu dhamaadaa, ha taagnaado madaxaagu, tani waa aduunyee, cid aan Allaah swt. ahayn ha u foorarsan.


Haddii qabligaaga , xubi rabbi iyo Rasuulku scw. ku rakibtid, waxa kaliyee dhalaaliyaa waa waynida Rabbi swt. iyo rajadiisa, cabsidiisu ku ladhantahay, waxa uunka yaalaana, aanay qiime kula lahayn.


Sheekh Mustafaa yidhi (waligaa mabaadi ku dhimo, oo magacyo ha ku dhagin) dadkoo dhami way dhimanayaa, waligaana ha is dhiibin. Ma jiro qiime ku goynayaa. Dhibaatada dunidu waligeed way soo taxnayd, taariikh uun baa ka hadhee, waa la noolaale, mijo bir dhe.


Dadka qaar baa Dahaba, oo xornimo ku nool, eraygooda leh, taladooduna hadba geestay doonaan u guura, adkasyi iyo sabirna u leh duufaanada iyo daayla dhaca goorkasta, ee dhaqaajiyana shookaan jilicsanaha, qori ciideedkooduna diyaarsan yahay, sidaa daraadeed dahabku ismabaddalo xaaladdo kastoo ku yimaada. Waligaa Dahab ahaw.

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin                                                                            [email protected]

 

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...