Hantidii Cabdiraxman Binu Cowf
Cabdiraxman binu cowf radiyalahu Canhu wuxuu magaalada madiina yimi isagoo aan wax hanti ah haysan, kadib Nebiga ﷺ ayaa la walaaleeyey sacad binu rabiic oo saxaabi ansaari ahaa: Sacad ayaa markaa ku yiri:
"Cabdiraxmaanow, ansaar anigaa ugu hanti badan ee hantideyda kala bar adigu qaado, sidoo kale waxaan qabaa laba dumar ah, midii aad doorato ayaan kuu furayaa ee guurso!"
Cabdiraxman Binu cowf wuxuu ku jawaabay " Ilaahay hakuu barakeeyo maalkaaga iyo ehelkaaga, ee suuqa oo keliya i tus".
Halkii ayuu cabdiraxmaan ka bilaabay ganacsi. Subag yar ayuu soo iibsaday lacag ayuu saartay oo sii iibiyey sidaas ayuu ku bilaabay ganacsi barakoobay.
Isagoo aan waxba haysan ayuu magaalada maka ka soo hijrooday muddo bilooyin ah ayuu ganacsi ku sameystay, guri iyo reerna ku yeeshay kadib markuu guursaday gabar reer ansaar ah.
Hantida cabdiraxman binu cowf waxaa lagu qiyaasay sida uu ibnu kathiir sheegay 3,200,000 oo diinaar oo maanta u dhiganta 952 Malyan oo dollar.
Markuu Nebigu (ﷺ) geeriyooday, cabdiraxmaan binu cowf wuxuu hanti u qeybiyey xaasaskii Nebiga (ﷺ) ee sagaalka ahaa isagoo mid walba siiyey 8,000 oo diinaar oo hadda u dhiganta 23 malyan oo dollar.
Halkaas waxaan ka fahmeynaa in ganacsiga ka barako badan yahay shaqooyinka kale haddii uu qofku daacad u yahay shaqadiisa , sadaqadana ku daro..
W/Q: Mustaf Awil Hassan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!