Abiy Ahmed Oo Furay Warshad soo Saareysa Diyaaradaha Dronska.

0
Sunday March 09, 2025 - 07:30:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abiy Ahmed Oo Furay Warshad soo Saareysa Diyaaradaha Dronska.

    "Warshadani waa qayb ka mid ah dadaalka balaaran ee ay Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Warshadani waa qayb ka mid ah dadaalka balaaran ee ay Itoobiya
May be an image of 5 people



Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa daah-furay warshadda Sky Win Aeronautics ee soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee rayidka iyo ciidamada oo markii ugu horeysay Itoobiya ay yeelatay.

Warshadaha ayaa qayb ka ah dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii ay isugu filnaan lahayd dhinacyada nabadda iyo amniga iyadoo loo marayo tignoolajiyada sida uu sheegya Abiy ahmed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay dhistay awood ay ku soo saarto oo ay u adeegsato diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado suuqyada dibadda.

"Warshadani waa qayb ka mid ah dadaalka balaaran ee ay Itoobiya ku doonayso inay ku gaarto isku-tiirsanaanta tiknolajiyada ee waaxda amniga. Itoobiya waxa ay horumarisay awoodda ay ku soo saarto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka, sidoo kale way dhoofin kartaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed

Wuxuu sheegay inay hada iib geynteeda bilaabeen, oo ay isku filnaadeen. Droneskan ayuu sheegay iney ka kooban tahay noocoyo iskugu jira kuwa dagaallada gala, kuwa sahanka ama xogta uruuriya, kuwa is qarxiya iyo kuwo mudo dheer hawada ku jiri kara.

"Dhawr sanno ka hor markaan lahayn dagaalkii Teknoolaji ayuu noqday ee aan is casriyeyno kaftan ayaa loo arkayay cidna xiligaas ma aaminteen inaan awood u leenahay inaan soo saarno Droneska.” ayuu yiri Raisul Wasaaraha Itoobiya.
May be an image of 6 people and text
May be an image of 1 person, aircraft and text
May be an image of 9 people and text
May be an image of 1 person, drill press and text that says 'MA INE i + CNC CRouter'

Loading...
Loading...