Xisbiga Waddani Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Warqad Ka Soo Baxday Wasiirka Arimaha Gudaha

0
Wednesday July 24, 2019 - 11:36:50 in News by
  • Visits: 2419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Warqad Ka Soo Baxday Wasiirka Arimaha Gudaha

    Xisbiga Waddani Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Warqad Ka Soo Baxday Wasiirka Arimaha Gudaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Warqad Ka Soo Baxday Wasiirka Arimaha Gudaha


Hargeysa(HWN):-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Sharci-darro ku tilmaamay Wareegto uu Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ku mabnuucay Fadhiyada aan Caadi ahayn ee Goleyaasha deegaannadu yeeshaan.


Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Barkhad Jaamac Xirsi oo shalay la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa Golaha Wakiillada ugu baaqay inay si deg-deg ah ugu yeedhaan Wasiirka Arrimaha gudaha, Md. Maxamed Kaahin Axmed. Barkhad Jaamac Xirsi oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Wareegtadaasi waxay ahayd Ayaan-darro weyn Sharci ahaan, Laf-jab bay ahayn in Warqad caynkaas ahi ka soo baxdo Wasaaradda Arrimaha gudaha.”




Afhayeenku wuxuu sheegay "Warqaddu laba dhaliilood oo waaweyn bay lahayd, mid waa in inta awoodda Baarlamaanka laga saaro oo aan la tixgelinayn Awooddii Baarlamaanka iyo in Dimuqraadiyaddii Somaliland dunida ka iibinaysay ee qaadhaan-bixiyeyaashu ku majeeran jireen meesha laga saaray, oo amar keli-talisnimo lagu bixinayo oo Sharciga khilaafsan.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Wasiirku halkuu ka keenay awoodda uu ku odhanayo Goleyaasha deegaanku ma dooranayaan Maayarro iyo ku-xigeeno, halkay ka keentay Wasaaradda Arrimuhu ay xeer dhan oo Baarlamaan ay Waraaq ka dirayso.”?


Afhayeenka WADDANI waxa kale oo uu sheegay "Waxa kale oo ay tilmaan u tahay inaan Dalkan doorasho lala rabin.”ayuu yidhi


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa Wareegto uu soo saaray ku mabnuucay in Goleyaasha deegaannada Dalku yeeshaan Fadhiyo aan Caadi ahayn, ka dib markii khilaaf xoog lihi soo kala dhex galay Maayarka Magaalada Gabiley iyo qaar ka mid Xildhibaannada Goleyaasha deegaanka Gabiley.


Loading...
Loading...