Afar Xildhibaan oo Katirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabey + Sababta.
Taxaabista Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xildhibaanada Gabiley ayaa ka Dambeysay, kadib, Markii laga Been abuurey Magaca Maayarka Gabiley islamarkaana, qof aan aheyn Maayarku Wareysi Siiyay Idaacadda Laanta Afsoomaaliga ee BBCda iyadoo Tuhunkani Wasaarada Arimaha Guduhu ee Wasiirku u Taxaabey Xildhibaanadani dabadda ku hayso in Mid Kamid ah Xubnaha Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Mucaaridka ku ah Maayarku uu isna Dhinaciisa eedaymo uga jeediyay Maayarka Wareysiga Idaacadda BBCdu la Yeelatey Xildhibaankaasi, Talaabadan oo Baadhsiteeda ay hadda gacanta ku hayso Laanta Baadhista Dambiyadda ee CID.
Wareysigan Idaacadda BBCdu la Yeelatey Qof aan aheyn Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa ah Fadeexaddii ugu Weyneyd ee Nooceeda ah oo Muddo Afartan Sano ku Siman Idaacadda BBCdu gasho, Waxaanay Talaabadani ku Noqonaysaa Xubnaha Xildhibaanada ah ee Tuhunka iyo Raadka arintaasi Soo gashey, Waxaanay arintan Saamayn ku Yeelatey Baraha Bulshada oo si aad ah loogu Fadeexadeeyay Idaacada iyo Cida ka Dambeysay Been abuurkan.