Caqliga Caarre Soo Xerayn Kari Waayey Somaliland Ma Mideyn Karaa?(Tarteenii Baan Eednay)

0
Wednesday July 24, 2019 - 09:14:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caqliga Caarre Soo Xerayn Kari Waayey Somaliland Ma Mideyn Karaa?(Tarteenii Baan Eednay)

    Markii uu guuleystay hadalkii ugu horeeyey ee uu Madaxweyne Muuse Biixi Jeediyey wuxuu ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii uu guuleystay hadalkii ugu horeeyey ee uu Madaxweyne Muuse Biixi Jeediyey wuxuu ahaa

TARTEYDII EEDAYEY WAAD TIRAAHDAAN, waxay u egtahay in ilaahay aqbalay hadalkiisii, Muusena kaga dhabeeyey. Mudaddii uu talada hayey Somaliland hoos bay u socotay, mana jirto hal arin oo uu ku guuleystay.

GUULDAROOYINKA IYO FASHILKA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI WAXAA KA MID AH:

1.Wuxuu ku fashilmay inuu dib u daweeyo dildilaacii Doorashadda.

2.Wuxuu dhisay Xukuumad tayo daran oo aan dalka hanan karin, caglina laga martiyeynin.

3.Wuxuu galay Dagaalkii Tukaraq oo sumcaddii Somaliland dhulka ku jiiday, iyadoo degaamaddii ay doorashadu ka dhacday ay yihiin goobo dagaal oo ciidamo isku horfadhiyaan.

4.Wuxuu weerar afka ah ku qaaday Dawladdii Federaalka Soomaaliya ee wadahadalka iyo kala baxu inaga dhexeeyey.

5.Wuxuu ku fashilmay xalinta iyo ka hortaga colaaddii beelaha walaalaha ku dhexmaray Koonfurta Sool, ilaa kilinka 5aad lagu soo xaliyey.

6.Wuxuu ku fashilmay xalinta colaaddii Degaamada Ceel Afweyn oo ilaa maanta taagan, iyadoo ay muuqato inay caado u noqotay inuu shacabka isku eego sidii geeljire legdamaya, kaalintii Dawladnimona wiiqanto.

7.Wuxuu sababay in qaar ka mid ah saraakiishii ciidamadu gadoodaan oo goostaan oo jamhado sameystaan sida Janeraal Caarre, kuwaas oo ku jira buulaha Gobolka Sanaag.

8.Wuxuu gef iyo aflagaadooyin u geystay qaar ka mid ah Beelaha Somaliland, kuwaas oo uu ugu faanay inuu AWOOWEYAASHOOD IYO AABAYAASHOOD CAYDHSAN JIRAY.

9.Wuxuu ku tuntay Dastuurkii dalka, iyadoo Xildhibaan xasaanad leh oo beelaha darafyada ka soo jeedo si sharcidaro ah gurigiisii loo afduubay, mudo dheerna la haystay.

10.Wuxuu dhegaha ka fureystay taladdii iyo dareenkii shacabka, iyadoo xaaladiisii ku soo ururtay ku cariigso iyo yaan lagaa badinin.

11.Waxaa la hagraday wax ka qabashada caqabadihii soo jireenka ahaa ee Goladda SSC ka jiray, illaa Dawladdii Somaliya ku dhawaaqday Somaliland looma dhama.

12.Waxaa lagu hungoobay inuu mideeyo xisbiyadii si ay u suurtowdo in la qabto doorashii Baarlamaanka iyo Dawladaha Hoose.

13.Wuxuu ku fashilmay guud ahaan siyaasaddii iyo sumcadii Arimaha Dibadda ee Somaliland.

14.Waxaan luminay xulufadeenii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo maanta xoolaheenii Muqdisho lagu xidhay.

15.Fiisooyinkii Xajka waxaa sheegatay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Dawladda Federaalka.

16.Wuxuu ku fashilmay inaan dekedeenii, garoonkeenii iyo badeeniiba wax siyaasad iyo taageero ah Imaaraadka kaga bedelano, iyadoo ay muuqato inaan weli wax maalgelin ah la gelin dekadaheenii, ee hasheenii irmaanayd ee Berbera marba nin kale iska maalayo.

17.Wuxuu ku guuldaraystay inuu dib u bilaabo wadahadaladdii Somaliland iyo Soomaaliya, maalin kasta oo ay dib u dhacaan Somaliland waa u khasaare, Dawlada tan Farmaajo ka dambeysaa wey ka sii xoog badnaanaysaa, waxayna raacaysaa siyaasadii tii ka horeysay.

18.Wuxuu gabay inuu la yimaado siyaasad tayo leh oo ku wajahan Dawladda Federaalka Soomaaliya, oo shacabka Somaliland ku qancaan.

19.Fashilka ugu xun ee Madaxweyne Muuse iyo Xukuumaddiisa ku habsaday ayaa ah in aanay kala garan karin arinta Xoogga u baahan iyo arinta caqliga u baahan, waxay kaga ururtay ciidanka Qaranka halagu dhaqaajiyo.

Fashilka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisu wuu tiro beelay, balse waxaa shacabka Somaliland la gudboon inay isweydiiyaan, Xukuumadda illaa maanta awoodi kari weyday inay soo xereyso General Caarre iyo Jamhadiisa, miyey Somaliland mideyn kartaa? Miyey Difaaci kartaa dagaalka gudo iyo dibadba leh ee Dawlada Federaalka? Miyaa Somaliland 3 sano dheeraad dambe Xukunka Madaxweyne Muuse Biixi sii xamili kartaa, oo gudcurkan lasii gudi karaa? Miyaan ka samri karaa tacabkii 28 sano? Miyaan ku jiri karaa waa layna soo weeraray aan caqli la socon?



[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...