Weftigii Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo La Kulmay Dhigiisa Djibouti Iyo Masuuliyiin Kale.
Djibouti(HWN):-Weftigii uu hogaaminayey wasiirka gaashaandhiga somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ee safarka shaqo ku joogay wadanka Djibouti ayaa maanta la kulmay masuuliyiin ka tirsan xukuumada dalkaasi.
Weftiga ka socda xukuumada somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye isla markaana ay qayb ka yihiin safiirka somaliland ee dalka Djibouti Cabdifataax Siciid iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka somaliland ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan dawlada Djibouti oo uu horkacayey wasiirka gaashaandhiga dalkaasi Cali Xasan Bahdoon, taliyaha ciidamada sareeye Gaas Sakariye Sheekh Ibraahin, Wasiirka dawladaha hoose Haamudo Aramiz.
Kulanka labada dhinac ayaa lagaga hadlay sidii loo soo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal isla markaana layskaga kaashan lahaa arimo la xidhiidha amniga.
Weftiga wasiirka gaashaandhiga somaliland oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa wadanka Djibouti ayaa la filayaa inay sii wadaan kulamada ay la yeelanayaan masuuliyiinta dalkaasi iyo hawlaha kale ee ay u joogaan.