Dawlada Qatar Jawaab Noocee Ah Ayey Ka Bixisay Warbixintii Wargeyska New York Times?

0
Tuesday July 23, 2019 - 19:37:10 in News by
  • Visits: 3654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Qatar Jawaab Noocee Ah Ayey Ka Bixisay Warbixintii Wargeyska New York Times?

    Dawlada Qatar Jawaab Noocee Ah Ayey Ka Bixisay Warbixintii Wargeyska New York Times?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Qatar Jawaab Noocee Ah Ayey Ka Bixisay Warbixintii Wargeyska New York Times?


Hargeysa(HWN):-Dawlada Qatar ayaa jawaab ka bixisay warbixin uu ka qoray wargeyska New York Times oo la xidhiidhay weeraro ka dhacay magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland.


War ka soo baxayxafiiska Isgaadhsiinta dawlada Qatar ayaa lagu sheegay in xukuumada Doha aanay fara gelin ku samayn siyaasadaha arimaha gudaha ee wadamo kale isla markaana siyaasadeeda arimaha dibadu ay salku ku hayso abuurida deganaanta iyo nabada.

Somalia important partner of Qatar: GCO response to New York Times article


Warka ka soo baxay dawlada Qatar ayaa lagu yidhi "siyaasada arimaha dibada ee dawlada Qatar hadyo jeer waxay la xidhiidha abuurida deganaanshaha iyo barwaaqada mana faragelino arimaha gudaha iyo qaranimada wadamada, cid kasta oo faragelin isku daydana ma taageerto dawladayadu.”


Warka oo si gaar ah loogaga hadlaya soomaaliya ayaa lagu yidhi " Soomaaliya Imaaraadku waaxay leeyihiin siyaasad u muuqata inay maamul iyo wax isdhaafsi taageero dhaqaale wadaagaan.”


Sidoo kale wararka ayaa lagaga jawaabay shakhsiyaad ku xusnaa warbixintii New York Times "Khalifa Muhannadi waligii la taliye umuu noqon dawlada Qatar mana matali karo dawlada Qatar xuquuqna uma laha inuu bixiyo faalo uu ku matali karo dawlada, waanu baadhaynaa shakhsigan waxaanu masuul ka noqon doonaa faalladiisa waxaanan ku celinaynaa inaanu u taagnayn sharciyadayada.”


Jawaabta dawlada Qatar oo sii socota ayaa lagaga wada shaqaynta ka dhaxaysa Qatar iyo Soomaaliya "Soomaaliya waa mid muhiim ah oo ay wada shaqayn leeyihiin dawlada Qatar balse ma fara gelino arimaheeda gudaha, xidhiidhkayagu waxa uu ku dhisan yahay ixtiraamka danaha labada dal wadaagaan, waxaanan wanaag u rajaynaynaa dawlada iyo dadka Soomaaliya, taageeradayaduna way sii socon doontaa ilaa deganaanshaha soomaaliya laga soo celinayo.”


Loading...
Loading...