Doorashada Jarmalka ee 2025 oo Maanta loo Dareeray
Jarmalku wuxuu marayaa marxalad siyaasadeed kala guur ah, iyadoo ku dhawaad 59 milyan oo shacabka Jarmalka ahi u dareerayaan codbixinta doorashada ee heer federaal, 23-2- 2025. Doorashadan oo ka dhalatay kadib burburkii isbahaysi ga bidixda ee xukuumadda Olaf Scholz ee dhammaadkii 2024, taasoo ka dhigaysa mid muhiim ah oo lagu go’aaminayo cidda hoggaamin doonta waddanka.
Natiijada doorashadani waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa siyaasadda dhaqaalaha, iyo doorka Jarmalka ee Midowga Yurub.
Doorashadan waxaa ku tartamaya dhowr xisbi oo waaweyn, loollanka u weyn waxa uu u dhexeeya xisbigga midigta-dhexe( Centre-Right)
ee CDU, Bidix-dhexe (Centre-left) SPD, iyo xisbiga midigta fog ( far right ) ka ah ee AfD oo taageero badan sii helaya.
Xisbiga CDU ee uu hoggaamiyo Friedrich Merz wuxuu ballanqaaday dhimista cashuuraha iyo xakamaynta soo galootiga taasoo sii kordhisay taageerayaashiisa garabka midig.
Dhanka kale xisbiga SPD oo uu hogaaminayo Olaf Scholz ayaa wajahaya loollan adag kadib waqti caqabado badan oo uu xukunka dalka hayay. Xisbigan wuxuu ku tartamaya inuu diiradda saari doono xoojinta Midowga Yurub, daryeel ka bulshada iyo xakamaynta isbeddalka Cimilada, balse waxa ku adag inuu kabsado codka shacabka.
Xisbiga AFD ee Midigta fog kaas oo ay hoggaaminayso Alice Weidel, waa xisbi u ololeeya sarraynta qaranimada iyo aragtiyaha asalraaca ah sidoo kale aad u ga soo horjeeda soo galootiga, xidhiidhka Midowga Yurub, iyo siyaasadaha isbeddka cimilada. Xisbigan oo sannadihii hore saamayn yaraa ayaa doorashadan ah mid kaalin weyn ku leh, isagoo taageero xoog leh ka helaya bariga Jarmalka. Elon Musk ayaa kamid ah dadka aad u gu ololeenaya xisbiga midigta fog ee AFD.
Xisbiyada bidixda ee Jarmalka sida The left iyo FPD ayaa u muuqda inay taageero yar ku leeyihiin doorashadan. Axsaabtan bidixda ahi waxay ku ololeeyaan sinnaan ta bulshada ee dhaqan-dhaqaale iyo caddaaladda. Si guud midigta fog ayaa reer galbeedka ayaa kaalin weyn ku soo yeelanaya kuwaasoo ka faa’iidaysanaya nacayb ka soo galootiga ee ku dhex faafaya dawladdaha reer galbeedka. Sidoo kale loollanka u dhexeeya xisbigga midigta-dhexe iyo Bidix-dhexe ayaa kansho u seeyay soo laba kaclanynta midigta fog sida uu qabo saxafi Tariq Ali.
Doorashadan oo maanta shacabka Jarmalku u dareerayaan ayaa indhaha caalamku hayaan iyadoo la saadaalinaayo cidda hanan doonta hoggaanka dalka. Ma xisbiga CDU ayaa talada dalka la wareegi doona? Mise SPD ayaa sii hayn doona? Taageerada xisbiga Midigta fog ee AFD ma sii kordhi doonaan? Waa suaalaha u badan ee taagan.
Xog uruurin la sameeyay 12-kii Febraayo ayaa waxa ka soo baxay in xisbiga mucaaradka ah ee CDU helay taageero gaadhaysa 29%, dhanka xisbiga midigta fog ee AFD uu isna helay 21%, taasoo muujinaysa awoodda xisbiyada mucaaradka ah. Halka xisbiga SPD uu helay keliya 15%.
Codbixinta oo saaka bilaamatay 7:00Am [ CET] oo ka dhigan 10:00 Am xilliga geeska Afrika, waxa soo xidhmaysaa 5:00pm [CET] oo ku aaddan 9:00 habeenimo xilliga geeska Afrika.