Maxkamadda Ciiddammada Oo Dil Ku Xukuntay Askari Boolis Ah
Hargeisa(HWN):-Askarigii dhawaan dilka u geystay Taliyihii Saldhigga Booliiska Xaafadda Maxamed Mooge ee Hargeysa, Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, ayaa saaka lagu xukumay dil toogasho ah.
Maxkamadda Ciiddammada Somaliland ayaa Xukun dil
toogasho ah ku ridday Askari aan la magac-dhabin, kaasoo dhawaan midi ku dilay
gaashaanlaha oo ahaa taliyihiisa. Sidoo kale, nin kale oo falkaas lug ku lahaa
ayaa lagu xukumay ciqaab xabsi ah.
"Maxkamaddu
waxay caddeysay in dambi dhacay, nin kastana lagu helay danbiga loo haystay.
Dambiilaha koowaad waxa lagu xukumay dil toogasho ah, halka eedaysanaha labaad
lagu xukumay 13 sano oo xadhig ah," Ayuu yidhi garsooraha Maxkamaddu.
Garsooruhu wuxuu sheegay in labada nin ay
qirteen dambiyada ay geysteen, isla markaana ay Maxkamaddu dhagaysatay Afar
markhaati iyo Baadhihii kiiska, sidaas darteedna ay caddaatay in ay geysteen
falalka loo haysto.
Baryahan dambe, Somaliland waxaa kordhay
dilalka, iyadoo labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ilaa afar qof lagu dilay
middi, waxaana badankooda la qabtay dadkii falalkaas geystay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay
in dilalkan oo dhammaantood la sheegay in lagu fuliyay middi aanay ahayn dilal
abaabulan, balse ay ahaayeen falal ay geysteen dad ujeedooyin kala duwan leh.