Waa Ka Xumahay Kulanka Lagga Baajiyey Da,Yarta Iyo Magaca Lagga Bedelay Ba Ee Ka Qabsoomi Laha Jamacada Hargeysa.

0
Tuesday July 23, 2019 - 18:18:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Ka Xumahay Kulanka Lagga Baajiyey Da,Yarta Iyo Magaca Lagga Bedelay Ba Ee Ka Qabsoomi Laha Jamacada Hargeysa.

    Waa aragti la,aan iyo himilo la,aan is dugsadey oo la soo gudboonaada Hogaanka Jamhuuriyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa aragti la,aan iyo himilo la,aan is dugsadey oo la soo gudboonaada Hogaanka Jamhuuriyada

 Somaliland waxa magaca looga bedelay iyo sidda loo abaaray Somali Youth Summit Kulanka oo ka dhici laha Jamacada Hargeysa 22 /7/2019  halkaas oo Xukumada amaratay inaan lagu qaban karin kulan, Da,yarta Aqoon yahan ka ,Xirfadlayaasha iyo Waayo-arag Nolasha isku xog-wareysan lahayeen isla markaan uga tilmaam bixin lahayeen Dhalinyada, iyo Da,yarta, kale ee u bahan hagida iyo tilaamida  Aqoon Shaqo iyo waayo-aragnimo sidda ay ku heli karraan iyo Wadda ugu haboon ay cagta saari karran marka ay u biyeyetaan ka midho dhalinya himiladooda qofnimo iyo shikhsiyadeed.

 

Siddo kale waa Naceyb Soomalinimo   Hogaanka Xukumada hadda  jira muujinaayo.  Soomalinimo cida  Cudud Caqli iyo maal ba ku bixisay waxa weeye Ummadda Jamhuuriyada Somaliland Maanta  ku bixinaysa  wax kasta oo Soomalinimo dhisaya amma muujinaya,  amma korinaaya.  Inala qabto in aynu ka cararin Magaca Soomalinimo .   Hasa yeeshe waxa inala gudboon inay u dhimano  oo u dhawacan oo u  hiil noqon.  Yeynaan uga Maagan kuwa  dilay Sharafitii iyo qiimi soomalinimada  ee qaawiyey isla markaan Addduunka wada gaadhsiiya in Soomalidu tahay Ummad xun oo qariban oo aan caqli,  karto, aragti dhaqantoon lahayn.

 

Waxa kasta oo Xume ah oo ay u quudheen Soomaalinimo qolyaha iyaga ah ee caanka ahi  ee ku ah xagal-daacinta Soomalida sharafkeed iyo milgaheedii Ummadnimo ,halka marka ay mareyso Jamhuuriyada Somaliland iyo Dadkeeda ahaan waa inaynu inagu ka maydhna kanna tirtira  markaan quruxda iyo qayaha Soomalinimada Aduunka tuna taabsiina si dhab ah .  Waxa hore you can baxay waxa aheyd Soomalinimo iyo lot u qaadka sharafeed iyo ilaalinta milgaheeda  ,Maanta laynagu imanya waa intii hore iyo in kale oo wanaagsan oo aynu ku sii darin marka aynu nahay Jamhuuriyada Somaliland iyo Ummadeed  , inta aynu shalay gelinya ee juhdi iyo maal iyo nafba laha Maanta waa mid inala gudboon oo inagu waajib ah   oo aynu  kow ka tahay Babulkeed isku keenideed iyo kulansiinteed  da,yarta iyo dhalinyarta Aqoon yahan Waxgardka iyo Waayo-arag Soomaliga ku abuurideed kuna laylinta Soomalinimada  ku Dhaqankeed ku dhaqgnaanteed  wax ku qabshedeed .

 

Ma joogno meel aynu ka ka soo jeesano  kanna biyo-diidno kana dhuuman amma is-diidsino waayo innaga Soomaali ah wanaageeda iyo dhisnaanteed iyo jiritaankeeda doonay wali doonayna cidna I daba-fadhiisan may no Mark a ay sidda tahay inaagu nahay kuwo ka saaran kuwii hormoodka iyo horseed ka ka aha soomaali oo wanaag iyo Xoriyad taam ah ku nool khayrkeen la tartanta Adduunyadan wax ka ah  marka halkan waxa Xukuumadeen iyo Ummadda  uga soo jeedinaya inaynu Qalbiga iyo quluubta ku heyno  wanaag Soomalinimo aynaan u howl gelin inaan cod kale sameyn karrin  sababtuna tahay inagga  awoowydeen ayaa ah hindisayaashi marka halka masuuliyad iyo qadiyad aan Ummadaha kale soomalida iyo deganandooda saarneyn ayaa inaga ina saaran inagunna waajib ah waa mid haboon inaan Aqoonsano isla markaan buuxino kaalinta mudan inaynu ka soo baxna kana soo dhalaalo ee inalama gudboona inay ka cararno amma ka xanaaqno amma ka dhuumano.  Kulanka Da, yarta  soomalida ah ee la bedelay magacii lagu shaaciyey iyo qoortii loo asteeyey inuu kulan qabsoomo  waa Sharif dhaca weyn xaga Soomalinimo xaga Ummadeed iyo xaga Xukumadeed  hagu sii daraato ta Xukumada hasa ahaate waxa kalo iyadun  fool xumo ah inaan  Aqoon yahan kii iyo fogaan aragti waxba arinka ka odhan.

Waxa aan iswediinaya  Jamacada Hargeysa ma waxay ka shaqynaysa wax ka soo horjeeda Jamhuuriyada Somaliland iyo jiritaankeed  oo ay tahay halka ugu sare Aqoon loo doonto?  Sidda aan ogahay amma aan garannkarro Maya ayaan leeyahay.  Waxa kale oo iyadun qofka, caadiga ahi iswediinaya Xukumadu miyaanay ogaan karin  ka hor inta aan la gaadhin Kulanka iyo meesha uu qabsoomayo cid ,wada iyo waxa uu ku saabsan yahay iyo dhamaanba wufuudaha kala duwan ee ka soo qayb galaya waxa uu u jeedkiisu yahay amma u budidhiisu yahay ?

Su,aasha wajaabteeda waxa aan odhan karra Xukumada waxay ku war-heshay Kulanka halkaan waxa ka soo baxaya moognaan iyo ka war la,aan xaladaha daqiiqad daqiiqda isu bedealay Dalka ka jira.   Haddii ay sidda tahay oo xaal halka ka maraayo  Xukumada Maanta Dalka Hogaanka haysa  waxay u baahan tahay  Gurmad nooc kasta ah mid Aqooneed iyo mid hage hogaamineed ee yeynaan ku hayn inta inooga tilmaaman  hogaanka dalka  guud ahaan ummadd ahaan inaynu Xilka ina saaran aynu u  gudano si ah waajibaad muwaadino la talin iyo tusaaleynta aynu si joogta xukumada ila garab istaagno.  Da,yarta Aqoonta iyo Xirfadlayaasha kala duwan leh ee Kulanka iyo magacii ay soo diyaarsadeen ba laga bedelay waxa aan kula talinaya inaydaan halka ku niyaad jabin  ee aad d juhdigii iyo  dadaalka , iyo xog-waranka ummadiina  guud ahaanteeda iyo gaar ahaan Dhalinyarada iyo ,Da,yarta kale aad sii wadaan kana sii xoogaysan heerkii iyo halkuu taagna markii hore .

 

 Waa yaan-darro aad u baaxad wey in maant Xukumadii  Hogaanka dalka haysa ay ka shakido Da,yarta   Jamhuuriyad Somaliland ee gudaha iyo debeda ba  . Waa guul-darro  fool xumadeed leh oo Qaranka iyo jiritaankiisa  soo food-saaratay, uuna bahan in si mug leh oo miisaan leh  loo dhuuxo loona dheegto hagar-daamooyinka ay abuurayso Xukumada Maanta joogta . marnab Xukumad lama gudboon qalbi-jiebinta iyo ceelida da,yarta  balse waxa la guboon oo ku waajib ah inay dhiiri-geliso isla markaan  Abbabusho da,yarta isku keento oo is barto halka ay maant iyadu tahay ta kala furfuraysa kalan foganeysa  kana nixinaysa Da,yartii  Qaranka  u soo kacay .

 

Dhawac iyo  dhirbaaxad ay u geysata da, yarta iyo dhalinyarad  kulankii iyo magacii ay isugu imanayeen ay kala kicisay waxay xukumada laftigeed ku noqon-doonta   gagabo iyo dhiig bax u sii meel yaal loo Da,yarta iyo dhalinyradu ay qalbga quluubta ugu hayaan .Waa loo jooga waxay ka hesho  ismaqiiqa aan aqoon iyo ka baaran-deged iyo wax-hubsasho, la,aantu ay haga u tahay ee Xukumada Kulmiye  ee Maantu yahay  hogaankeedu .

 

     Qorre : Abokor I Mohamud.

                [email protected]

   Aragtida Xorta ah ee Muwaadinka.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...