Xukuumadda Somaliland oo Daahfuray Kulanka Diyaarinta Qorshaha 10ka Sanno ee Koronta

0
Thursday February 20, 2025 - 13:17:24 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo Daahfuray Kulanka Diyaarinta Qorshaha 10ka Sanno ee Koronta

    Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha....



Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somalialnd Eng. Axmed Jaama Barre oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Shacayb Cismaan Maxamuud ayaa shalay daah-furay kulanka diyaarinta Istiraatijiyadda 10-ka sanno ee aagga Korontadda Somaliland.

 

Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiiradda, Agaasimeyaal guud, xildhibaano ka socday golaha Wakiillada Somaliland, Maayarka caasimadda Hargaysa iyo qaar ka mid ah shirkadaha adeegga Korontada bixiya iyo masuuliyiin ka socday Baanka Adduunka, kaasi oo diirrada lagu saarayo inta kulankani socdo sidii bulshada Somaliland u heli lahaayeen adeeg Koronto oo jaban, isla markaana la iskuna halayn karo.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Shucab Maxamuud Cismaan ayaa faahfaahiyay kulanka diyaarinta Istaraatijiyadda 10-ka sanno ee aagga Korontada, waxaanu tilmaamay in ujeedooyinka ugu waawayn ee kulankan ay tahay in la qorsheeyo qaabka loo hir-galinayo gaadhida yolk aah Koronto jaban, bad-qabta oo la isku halayn karo.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Shucab Maxamuud Cismaan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Hawshani waxay noqon doontaa mid lagu gaadhayo dhabbaha guusha ee Qaranku ku horumarinayo aagga Tamarta iyada oo kor loo qaadayo heerka nolosha bulshada iyo warshadaha, ujeedada qorshaha Korontada, wasaaradu iyada oo maanka ku haysa mihiimada Koronto jaban, la awoodi karo, bad-qadkeeduna sarreeyo ay u leedahay horumarka dhaqaale ee Qaranka iyo bulshadaba, waxay ku dhiirratay inay hal-abuurto Istaraatijiyadda lagu horumarinayo aagga Tamarta Korontada dalka”.

 

Sidoo kale kulanka waxa ka hadlay xubno ka mid ah ka soo qayb galeyaasha oo ay ka mid ahaayeen Maayarka Hargaysa, Xuildhibaano ka mid ah golaha Wakiillada Somaliland iyo masuuliyiin kale oo ka xog waramay muhiimada ay Qaranka u leedahay in la helo Tamar jaban oo la isku halayn karo, taasi oo ay xuseen inay kobcinayso dhaqaalaha dalka sidoo kalena suurta-galinayso in la hirgaliyo warshado dalka ka hana-qaada.

 

Wasiirka wasaaradda Taarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Eng Axmed Jaamac Barre oo kulanka furay ayaa si qoto dheer uga waramay kulankan iyo ahmiyada uu Qaranka u leeyahay, waxaanu ku dheeraaday inay muhiim tahay in laga fikiro sidii loo heli lahaa adeega Korontada oo jaban, si dhib yarna loo heli karo, waxaanu intaasi ku daray sida uu adeega Korantadu nooshad bulshada ugu yahay mihiim.

 

Wasiirka ayaa tilmaamay in ujeedooyinka ugu muhiimsan ee kulanka Istaraatijiyadda 10-ka sanno laga leeyahay ay tahay in laga faa’iidaysto Tamarta lana cusboonaysiiyo, si bulshadu u hesho Tamar ku filan dhaqaale ahaana la awoodi karo, xagga bad-qabkana la isku halayn karo waxaanu yidhi.

 

"Muhiimada aan maanta halkan iskugu nimid waa daahfurka diyaarinta istiraatijiyadda 10 sanno ee Aaga Tamarta Somaliland, taasi oo noogu jirtay qorshaha waxqabadka 100-ka Maalmood ee xukuumadda wada jir iyo waxqabad.”


Loading...
Loading...