"Somaliland Marna May Ahayn Dal Soomaaliya Guumeysato oo Dhulkeeda ka Tirsan" Cabdi Gaas Cali

0
Wednesday February 19, 2025 - 17:04:06 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somaliland Marna May Ahayn Dal Soomaaliya Guumeysato oo Dhulkeeda ka Tirsan" Cabdi Gaas Cali

    Iskudarkii wuxu noqday mid ay Somalia Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iskudarkii wuxu noqday mid ay Somalia Somaliland



Ujeeddo: wax ka dhihid mowqifka Eng. Abdi Ali Barkhad ee Maayer Firdhiye iyo xaalada gobolka Sool

 

Guud ahaan aragtidaada xaalada gobolka Sool iyo Maayer Firdhiye waa sax iyo tusaale aad u fiican, sababto ah Somaliland marna ma ahayn wadan Somalia guumeysato oo dhulkeeda ka tirsan ee waxay ahaayeen laba dal oo kala madax banaan oo isku biirey 01/07/1960, Somaliland waxay ahayd Dal la aqoonsan yahay Jaquraafi ahaan iyo dal ahaanba.

 

Waxay Xuriyadeeda ka qaadatay Dawladda Ingriiska 26/06/1960. Somaliland cidi kuma qasbin inay ku biirto Walaalahooda Koonfurta oo xuriyadooda ka qaatay Talyaaniga 01/07/1960 ee hadafka Somaliland wuxu ahaa midowga Somali weyn ee ay ku haminayeen sanado badan oo ay Jabuutina ku jirto.

 

Iskudarkii wuxu noqday mid ay Somalia Somaliland u aragto ummad doqmo ah oo xuriyadoodii bilaa shuruud wareejiyey, waxayna ula baxeen Somali khaldaan, xuriyaddii Reer Somaliland way ambatay Af Libaax ayey gashay.

 

Somaliland waxay baraarugtay markii lagula Kacay quudhsi iyo dulmi badan taasoo sababtay Inqilaabkii ay ku kaceen Saraakiishii Reer Somaliland ee uu hogaaminyay Marxuum Xasan Keyd Bishii December, 1961 inkasta oo Inqilaabku fashilmay wuxu hadana shiday Shamicii halganadii kala duwanaa ee Bulshada Reer Somaliland, taasoo ugudambbeyn keentay in Jabhaddii SNM ku guuleysato inay Dalka ka xoreyso xukunkii Siyaad Bare 1991.

 

Guushii halganka SNM ee dib ula soo noqashada Xuriyaddii anbatay 1960 waxay keentay badhaadhe iyo reynreyn. Beelaha Reer Somaliland Galbeed iyo Bari waxa ka dhalatay neecaaw gobanimo oo horseeday Nabad, iscafin, midnimo iyo wax wada lahaansho, sidaasna lagu hantay Dawladnimada ilaa iyo maanta lagu naaloonayo.

 

Koonfurta waxa iyana ka dhacay kacdoon gobanimo oo ay hogaaminaysay Jabhaddii USC ee lagaga xoreeyey Dalka xukunkii uu boobay Jaalle Mohamed Siyaad Barre 21/10/1969.

 

Guushii Koonfurtu waxay horseeday burbur baaxad leh iyo dhac iyo xasuuq loo geystay Bulshadii kale siiba Isaaq iyo Daarood, iyadoo Dhulbahante yahay bartimaalmeedka kowaad oo lagula kacay dhac, kufsi iyo xasuuq ka baxsan bini’Aden nimada.

 

Waxa xusid mudan xasuuqii loo geystay maatadii Dhulbahante ee isku aruursatay Carwadii weyneyd ee Muqdisho kuna taalay degmada Hodon si ay uga baxaan magaalada una tagaan dhulkoodii ay u dhasheen ee Somaliland.

 

Markii la ogaaday in Dhulbahante halkaas isku aruursaday Jabhaddii USC ayaa u timid waxaana loo sheegay in Madaxweynihii dalka ka baxay Wadanku nabad yahay iyaguna Hawiye macsuum u yihiin, in yar kadib casuumadii waxay isku badashay in lagu furo rasaas aan loo aabo deyin cirooole, haween iyo caruur waxay ahayd dhacdo aad u naxdin badan.

 

Xasuuqa iyo dhacu muddo wuu socday Masaajidada Alle xitaa waa lagu fakan waayey, Colaada Hawiye Dhulbahante u Hayey waxay gaadhay heer qof kale loo dilo Abtirsiin tiisa sida Wiilkii Isaaq ee loo dilay Abtirsiin tiisa oo la gashay Ba’Dhulbahante ee la yiri gadaal ayuu Dhulbahante ka noqday. Hal hays ayey noqotay halku Dhulbahante fakaday ka noqon lahaa Isaaq dhintay ha noqdo.

 

Gabagabadii, nuxurka warbixinteydu waxay daarantahay isbarbar dhigga guushii Somaliland ay ku liibaantay iyo guuldaradii Koonfurta oo ilaa iyo maanta sal dhigin, iyadoo waliba Dawladaha Caalamku u gurmadeen.

 

Waa kaaf iyo kala dheeri Somaliland hore ayey u socotay dibna u soo laaban meyso Ictiraafkiina wuu soo bidhaamaya, Madaxweyne Hassen Sheekh wuxu wali ku riyoonayaa Jamhuuriyadii Somalia la odhan jirey ee burburtay 21/10/1969 isma oga halka la kala joogo, Maayer Firdhiye iyo garaadada ku daba feeshan way og yihiin xaqiiqada, balse waxay ku hadaaqayaan midnimo aan jirin iyo riyada Xasan Sheekh waxayna Bulshada Reer Sool u horseedayaan burbur, halaag iyo dib u dhac. Dhacdooyinka aan ka soo sheekeeyey baraarujin iyo cibro ku qaadasho way ugu filantahay Maayer Firdhiye iyo kooxdiisa.

 

Wa’Billaahi Towfiiq

 

Mujaahid dahsoon Cabdi Gaas Cali


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...