Madaxwayne ku Xigeenka JSL oo Daahfuray Shirwaynaha Qaran ee Ilaalinta Degaanka iyo la Tacaalidda Is-badelka Cimilada

0
Wednesday February 19, 2025 - 14:10:09 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne ku Xigeenka JSL oo Daahfuray Shirwaynaha Qaran ee Ilaalinta Degaanka iyo la Tacaalidda Is-badelka Cimilada

    Haddaan lagu dedaalin oo aan lagu talogalin oo aan laga tabaabushaysana...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaan lagu dedaalin oo aan lagu talogalin oo aan laga tabaabushaysana...



Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw-cabdi ayaa daahfuray shirwaynaha Qaran ee ilaalinta deegaanka iyo la tacaalida isbadelka Cimilada, kaasi oo ay hirgalisay wasaaradda Deegaanka iyo isbadelka Cimilada.

 

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo furay shirka ayaa waxa uu sheegay in xukuumadu ay mudnaan wayn siinayso horumarinta deegaanka Somaliland iyo wax ka qabashada isbadelka Cimilada waxaanu tilmaamay

 

"Adduunyada waa wax ku cusub oo jiray muddo gaaban, wakhtigii uu isbadelka cimiladu bilaabmayna, dalkeena Somaliland fikrad lagama haysanin oo waa la yaabanaa,laakiin hadda waynu aragnaa dhibaatada ay keentay cimilada isbadelaysa.

 

Haddaan lagu dedaalin oo aan lagu talogalin oo aan laga tabaabushaysana dad iyo duunyaba waxa inagu dhacaysa dhibaato aan laga soo waaqsanin”.

 

Dhinaca kale madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland bogaadiyay in wasaaradda deegaanka iyo Isbadelka cimilada Somaliland ay ku dhaqaaqeen hawshan muhiimka iyaga oo awooda saaray gorfaynta wax ka qabashada isbadelka sii xumaanaya ee Cimilada waxaanu sheegay

 

"Dawladda Waddani wakhtiga aan joognay ee ay dalka xukumaysay waa muddo laba bilood ah, laakiin ballanqaadkii bay ahayd in boqolka maalmood ee u horeeya in lagu talaabsado wasaraad kastaa ba wixii laf dhabarta u noqon doona barnaamijka hawl-qabadka ee shanta sanadood ah.

 

Wasaaradda deegaanka oo wasiirku hogaaminayo aad baan ugu bogaadinayaa in ay hawshaasi ku dhaqaaqeen oo ay shirkan muhiimka ah soo qaban qaabiyeen, waxaan rajaynaynaa shirkani in aanu noqon shir la iska furo, laakiin waxaan rajaynaynaa ujeedadii laga lahaa in laga meel gaadho, oo laga midha dhaliyo oo uu noqdo mid bulshada Somaliland Miyi iyo magaalaba anfaca”.

 

Gebo’gabadii Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw-cabdi ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in bulshada lagu baraarujiyo wax ka qabashada isbadelka cimilada, maadaama ay saamaynayaan xoolaheena oo laf dhabar inoo ah waxaanu sheegay

 

"Waa hawl adag oo aynu u baahan nahay inaynu dadkeena ku baraarujino, iyada oo dhibaatadu ka imanayso xoolaheena, inaga oo ah dad ku dhisan xoolaha boqolkiiba todobaatan in ka badan, cimiladiina ay sidaasi tahay oo maanta durba laba bilood ay gu’gii ka hadhsan tahay oo xoolaha dalka intiisa badan ay dhibaato haysato markaa talogal bay inooga baahan tahay.”

 

Shirwaynaha Qaran ee ilaalinta deegaanka iyo la tacaalida isbadelka Cimilada ayaa ah mid lagu gorfaynayo xaalada isbadel ee cimilada Somaliland, taasi oo saamayn ku yeelatay noloshada dad iyo duunyaba, wasaaradda deegaanka oo ka duulaysa waajibaadka ay Qaranka u hayso iyo sidoo kale ka qayb qaadashada ilaalinta dhaqaalaha iyo koriinka dalka ayaa daahfurtay shirwaynaha, kaasi oo la rabo maxsuulka ka soo baxa in lagula tacaalo isbadelka cimilada.


Loading...
Loading...