'' Kaftanka Maanta '' Inta Kale Ma Rootibaa ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Tuesday July 23, 2019 - 15:32:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Kaftanka Maanta '' Inta Kale Ma Rootibaa ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Cod laggu baahiyey baraha bulshadda , run iyo been mid uu yahay alla oge ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cod laggu baahiyey baraha bulshadda , run iyo been mid uu yahay alla oge ,
waxaa laggu sheegay in ninka hadlayay yahay Xoghayaha Golaha Baarlamaanka Ina Siciid Ayaanle , waxaanu ka waramayay sidda qofka hadlayay hadalkiisa ka muuqatay group what is up ah .

1- Waxa ku jirtay Dawladdu waa tii aynu dooranay , Habar awal iyo Habar jeclana sidii bay u wada shaqaynayaan.



2- Waxaa kale oo ku jirtay Wasaaradda daakhiliga ayaa dalacsiisay Degmadda caynaba , wasiirka arrimaha gudahaa qiimayn usoo qoray , madaxwaynuhuna wareegtuu kasoo saaray , ka dibna degmooyinkii kalaa ka hadlay oo iyana dalbaday dalacaad , sidaas baa loogga reebay , hadhawna dib loosoo celinayaa dalacaaddii Caynaba oo qudha .

Haddii codkaasi beenoobo oo la xaqiijiyo in aanu ninkaa hadlayay xoghayihii Baarlamaanka ahayn wanaagsan , haddii se uu run noqdo , waxaa is waydiinle , Waa halkii shirabkii Abgaalka ee odhan jirey ,

Mar waa Rashiid ,

Mara waa risaaq ,

Inta kale ma rootibaaye , tolow dalka iyo dadka intiisa kale ma rootibaa

  W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...