War Deg-deg ah:-Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Martiqaad Rasmiya Ka Helay Dawladda Maraykanka
Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa martiqaad rasmiya ka helay Xisbiga talada dalka Maraykanka haya ee Republican Party.
Dawladda Maraykanka ayaa martiqaad rasmiya u dirtay Madaxweynaha Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, sida Warbaahinta Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen Ilo wareedyo u dhuul-daloola Safarka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tagaayo dalka Maraykanka.
Warku waxa uu intaas ku daray in Madaxweyne Cirro uu 28-da bisha June ee Sanadkan 2025-ka uu tagi doono dalka Maraykanaka, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono Madaxda iyo Hay’addaha u sarreeya dalka Maraykanka.
Waa markii ugu horraysay ee Madaxweyne Somaliland ah laga Casuumo aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka, waxaanna la filayaa in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu sii kaxaysan doonno Weftigii ugu miisaanka cuslaa.
Madaxweynaha Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hore u sheegay inuu xidhiidh wanaagsan oo iskaashi la yeelan doono dawladda Maraykanka, taasoo uu sheegay inay arrimo badan ka wada shaqayn doonaan Mustaqbalka dhaw iyo ka fog-ba.
Si kastaba ha ahaatee waxa la rajaynayaa in muddo-xileedka Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro in wax wayn laga qaban doonno arrimaha Siyaasadda arrimaha dibadda iyo Ictiraaf raadinta Somaliland.