"Geeddigaygii Macallinnimo
"Bustaanna kuma waara bilicdiisoo
Buska iyo way isxigaan barwaaqadu”.
Xilliyadii aan dugsiyada gaarka ah dhex galay ee sida tooska ah uga shaqo bilaabay, maalmahaygu waxa ay u qaybsanaayeen kuwo aan u qaybiyo dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka ah.
Marka aad ka kala shaqayso, dusgi ardayga bishii $30 laga qaado iyo mid bishii $5 wax ku dhaw laga qaado, weliba aanay qaar badani $5 awooddayn, waa in aad uga warrantaa ka $30 isaga kabaha uu xidhanyahay yihiin.
Midna u sheegtaa in uu waayi karo, ka kalena in uu dhaafi karo, ogoowna wiil dhallinyar ahi sidaada uma fikirayee, ha is odhon wuu ogyahay ee maxaad uga sheegi.
Maalin, ayaa aniga oo maamulihii dugsiga dawladda la taagan, waxa noo yimid arday, maalintaa lacagta bisha lagu soo eryey oo doonayey in uu maamulaha kala hadlo. Waxa uu yidhi "maamule, laba bilood oo horena waa la igu leeyahay, tana mahayo ee waan keenayaa aan xiisadda galo. Maamulihii ayaa ku yidhi, fasalka gal oo lacagta soo qaad. Markii uu ardaygii naga tegay ayaa aan ku idhi, maamule, bal wiilka hadhaw si gaar ah aan u xaalad waraysannee inoogu yeedh. Wiilkii ayaa xafiiska noogu yimid, adeer shaahaa shubo oo maxaad bilaha hore u keeni wayday?
Waxa uu yidhi, "macallin waad mahadsantahay, shaaha ma cabbo macaan ayaa aan leeyahay” duruuf ayaa uu noo sheegay. Maamulihii ayaa aan ku idhi, inta aan dugsiga joogo, lacagtiisa aniga iga gooya. Adeer fasalkii iskaga noqo. Isaga oo waad mahadsantahay leh ayaa uu naga tegay. Maamulaha oo dadka aadka u dunta wanaagsan ahaa, macallinna ii soo ahaa, Guuleed Yuusud Iidaan (Guuleed Goohe), ayaa bilaabay in uu si gaar ah xaaladdiisa ula socdo, shir macallimiintu gashay ayaana fee-gii lagaga daayey. Muddo ka dib ayaa aniga oo dad bus sugayey dhawr qof gaadhigayga u joojiyey oo in aan sii dhaweeyo doonayey ayaa uu igu yidhi wiil dhallinyaro ah oo si wanaagsan u lebisan, adeer ma I garanaysaa? Maya ayaa aan ku idhi, waxa aan ahay wiilkii… wuu isku sheegay in waxbarashadii iyo jaamacaddiiba dhameeyey oo meel fiican wax u marayaan, runtii waan ku farxay, labada xaaladood ee uu isaga gudbay. Isaga ayey ka go’nayd in uu noloshiisa maareeyo, marar badan erey aad qof u tidhi ayaa wax badan tari kara, erey aad ku tidhi ayaana wax badan yeeli kara.
Marka aad macallintahay, waxa aad la hawl gashaa saddex qolo: kuwo kaa daraja sarreeya, kuwo kula siman iyo kuwo ku hoos jooga.
La macaamilka saddexdaa qolo, wax ay u kala mihiisanyihiin hadba sida dabcigaaga iyo dadnimadaadu tahay. Haddii aad kuwa kaa sarreeya mar kasta mudnaanta siiso, waxa dhacaysa in aad kuwa ku soo joogana dulmido, kuwa aad simantihiina ka warqaaddo, kuwa kaa sarreeyana ka haybadaysato.
In aanad ka haybadaysan oo ka ku maamulaya aanad sax iyo qaladba ku raacin laba qodob ayaa keeni kara, midda koobaad waa aaminaadda ah in meeshan inta calafkaagu ka qoranyahay aad joogyso, oo iyada oo lagaa jecelyahay haddii calafkaagu ka dhammaado aad ka tegi, haddii calaf kaaga qoranyahayna iyada oo lagaa necebyahay aad joogi.
Midda labaad, waa in aad shaqada aad qabanayso aqoon fiican u leedahay, isku kalsoontahay, hubtaana haddaad halkan ka tagto in aad meelo ka wanaagsan heli karto, kaana go’antahay in aad shaqaysato. Hore ayaa loo yidhi "nin faash sitaa, xaabo ma waayo”.
Shaqo kasta aad qabanaysana ogoow, meesha calaf ayaa aad cunaysaaye, cidna wax aan xaq ahayn ha uga haybadaysan, haddii kale waa lagugu dul socon.
Arrinta ugu wanaagsani se waxa weeye, in aad kaa ku maamulana wixii wanaagsan ku adeecdo, kuwa kula shaqeeya caawiso, ixtiraam badanna u muujiso, kuwa l aad wax baraysan keliya xiisaddaada iyo gudashadeeda aanad ku koobnaan ee aad siiso talo, tilmaan iyo toosin ogoow kuwa badan ayaa aan aabbo iyo hooyo la wax u sheega la joogin, kuwa badan ayaa reero kale dul-saar ku ah, qaar ayaa masaajiddada seexda oo xataa iyagu iska bixiya dhaqaalaha dugsiga, kuwo ayaa duruufo kale la daalaa dhacaya. Kuwaana inta badan waxa aan ku hoga tusaalayn jiray, meerisyo ay kamid ahaayeen,
Mahad Maxamuud Qaasim, qormooyinka noocaas ah ilaa hadda baahi weyn ayaa loo qabaa, ee noogu soo celi mudan sare.
Anigu ma helin cid guri wax iigu sheegta oo aan ka ahayn habaryartay oo waano kooban oo hooyanimo isiisa, kaalinta hooyadayna iigu jirtay Allaah abaalkeeda jano ha ka dhigee. Aabbahayna kala magaalo ayaa aan ku noolayn, Allaah ayaa i waafajiyey in aan masaajiddada iyo waayeelka iskaga xidhmo ilaa ardaynimadaydii. Waana sababta aan talooyinka u siin jiray ardayda.
"Dul lahaw adduunyada
Badan way dambaysaaye”
"Waa la doogiye, yaan la dacaroon”.
Waxyaabaha keeni kara in aad marar badan ku abuurto kalsooni qofku waxa niyaddiisa ku jira uu kuugu sheegi karo waxa kamid ah, in aad marar badan dareensiiso qubanaha nolosha, dabaqadaha kala geddisan ee nolosha iyo in cid waliba ay duruuf u gaar ah la nooshahay, marka arday wax baranaya aad tahayna, wax ugu weyn ee kula gudbooni uu yahay, in aad halkan ka barato wixii aad beri nolosha ku maarayn lahayd, haddii aad guri hodan ah aad ku tiirsantahayna, aanay noloshu sidaa sii ahaan doonin ee ay tahay nimcada inta aanad waayin ka faa’iidayso. Maanso ayaa waxa ku jiray,
"Bustaana kuma waara bilicdiisoo
Buska iyo way is xigaan barwaaqadu”.
Berigii aan ardayga ahaa, ayaa waxa nala fasal ahaa wiil uu dhalay Maayirkii markaa Hargaysa duqa ka ahaa, waxa uu wiilkaasi kaxaysan jiray mararka qaar, gaadhiga aabbihii oo anagu in aanu kaxaysanno iskadaaye aanaan xataa kurdigiisa awoodin in aanu fadhiisanno, wiilkaa waxbarashadu wax macno ah lama lahaan jirin, balse hadda si weyn ayaa uu u dareemayaa waayo hawsha uu hayo ayaa ah mid aad u rafaad badan.
Qormooyinkani, in kasta oo ay hawlihii macallinimo yihiin, haddana maaddama oo dadka akhristaa ay kala geddisanyihiin si guud ayaa aan ugu talo galay in aan u dulmaro, iyada oo marar badan aanay ka madhnayn waxyaabaha la gudboon cidda ku guda jirta mihnadda wax dhigista, kuwaas oo qabta hawl ka weyn mid lagu koobo in laga shaqaysto.
Geeddigii ka dambeeyey.
Qoonsigii maamullada iyo macallinkii shaqa doonka ahaa.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!