| Hoggaan daacad ah iyo himilo la hubo |

0
Wednesday February 12, 2025 - 14:29:49 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    | Hoggaan daacad ah iyo himilo la hubo |

    Marka hore, siyaasiga aynu dooranaynaa waa in uu ahaado qof...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore, siyaasiga aynu dooranaynaa waa in uu ahaado qof...


Waa arrin lagu farxo in la arko siyaasi fulinaya ballan-qaadyadii uu sameeyey, xilli uu dalku korayo musuqmaasuqa iyo isdaba marintuna sarayso. Safarkiisii shaqo ee ugu horeeyay, wuxuu ka bilaabay horumarinta, dhabtii lagu fadhiyay maalinkay adkayd. Shacabku waa in ay la shaqeeyaan si uu si hufan u guto waajibaadkiisa.


Marka hore, siyaasiga aynu dooranaynaa waa in uu ahaado qof ay ka go’an tahay horumarinta dalka, lehna aragti cad iyo ujeedo dhab ah.

Nebi Yuusuf cs markii uu boqorkii Masar ka codsaday xil muhiim ah, wuxuu yidhi "اجعلني على خزائن الأرض إني حفيظ عليم”.

Ma uusan odhan "Nebi baan ahay" iyadoo aynu ognahay inuu ku abtirsado saddex nebi, balse wuxuu xusay kartidiisa iyo aqoontiisa "Anigu waxaan ahay qof daacad ah oo cilmi leh."
Sidaas darteed, siyaasiga aynu dooranayno waa inuu si dhab ah u garanayaa kartidiisa iyo waxqabadka uu bulshada u horseedi karo, si uu uga dhabeeyo himilooyinka horumarineed ee ay bulshadu ka filayso.
Cabdirisaaq Dube
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...