Iska Jira Bulshooy:

0
Wednesday February 12, 2025 - 14:26:29 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska Jira Bulshooy:

    Aqoon iyo Khibrad: Waa in uu yahay qof leh aqoon iyo khibrad...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoon iyo Khibrad: Waa in uu yahay qof leh aqoon iyo khibrad...


Golayaasha muhiimka ah ee dalka, sida Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka, waa hay'ado door muhiim ah ka ciyaara nidaamka dowliga ah iyo fulinta shuruucda iyo siyaasadaha dal kasta. Dunida inta ugu badan dadka ku jira goloyashan Waa la bogaadiyaa dadaalka iyo hawlaha ay qabtaan owgood, laakiin africa inta badan doorkooda ma qataan. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in qofka kugu matalaya golayaashaasi uu leeyahay aqoon, karti, iyo mas'uuliyad dhab ah oo la xiriirta bulshada iyo guud ahaan dalka.


Waxaa muhiim ah in qofka doonaya inuu matalo bulshada ee golayaashaas muhiimka ah,In laga doonayo sifooyinkan soo socda:

• Aqoon iyo Khibrad: Waa in uu yahay qof leh aqoon iyo khibrad ku saabsan arrimaha siyaasadda, maamulka, iyo shuruucda dalka. Kaalinta golayaashani waa mid farsamo ahaan u baahan qof fahamsan sida ay u shaqeeyaan nidaamka dowliga ah iyo shuruucda dalku.

• Xirfadaha Hoggaaminta iyo Isgaarsiinta: Waxaa muhiim ah in uu yahay qof leh xirfado hoggaamineed iyo isgaarsiin wanaagsan, si uu ugu matalo bulshada una gudbiyo fikradahooda iyo baahiyahooda si habboon cida ay qusayso.

• Dareen Bulsho: Qofka kugu matalaya golayaashan waa inuu leeyahay dareen bulsho iyo faham ku saabsan xaaladda bulshada iyo dhibaatooyinka haysta bulshada uu matalayo. Waa in uu awood u leeyahay in uu dadka u adeego, xalliyo khilaafaadka, iyo ku taageero xalal waara ee uu baahan yahay deegaanka uu matalayo iyo guud ahaan bulshada.

• Daacadnimo iyo Hufnaan: Waa in uu yahay qof daacad ah oo leh hufnaan iyo kalsooni. Dhammaan tallaabooyinka uu qaado waa in ay ku salaysan yihiin mabaadii daahfurnaan, isla markaana uu ka fogaado waxyaabaha keeni kara kala qaybinta bulshada ama khilaafka.

• Ujeedooyinka Guud iyo Faa'iidada Bulshada: Qofka kugu matalaya golaha waa inuu had iyo jeer ka shaqeeyaa in uu danaha guud ee bulshada kor u qaado, isla markaana uu ku shaqeeyo xeerar iyo qorshayaal waara oo ka turjumaya danta dadka uu matalayo.

Sidaas awgeed, haddii aad rabto in aad ka mid noqoto golayaashaasi, waa muhiim inaad muujiso karti, aqoon, iyo dadaal dhab ah si aad ugu adeegto dadka aad matalayso, halkii aad ku hawlanaan laheyd hawlo aan wax faa'iido ah u lahayn bulshada. Sticker ama olole aan wax macno ah lahayn ma bixinayo taageero ama codbixin dhab ah.

Bulshada waxay rabtaa in la matalo laguna matalo si dhab ah in looga shaqeeyo horumarkeeda, oo aan lagu mashquulin xayeysiis,xoolo urursi iyo mashriic ka daba wareeg.

Qofka doonaya inuu ka mid noqdo golayaash, waa inuu muujiyaa hufnaan, aqoon, sidookale noqdo qof adeeg bulsho hore u bixin jirey,samayn togan iyo sumcad wanagsan ku dhex leh dhaman bulshada qaybaheda kala duwan si uu taageero u helo.
WQ: Abdinazir Abdilahi Mahamed
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...