Dayaxay Ka Shiddan Tahay

0
Tuesday July 23, 2019 - 10:13:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dayaxay Ka Shiddan Tahay

    Waxa kasoo wareegtay mudo qarni badhkiiya ama 50 sanadood markii ugu horeysay ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa kasoo wareegtay mudo qarni badhkiiya ama 50 sanadood markii ugu horeysay ee dad nooli Dayaxa ku dul degeen, waxay ahayd 20-07-1969 kii markii ay cago dhigteen Dayaxa guudkiisa kuna dul socdeen mudo Neil Armstrong iyo Buzz Aldrin oo ahaa Cir-ubaxeenadii la socday Dayax-gacmeedkii apollo11 ee maraykanku u diray Dayaxa.



Wakhtigaas lategay Dayaxa oo ahay wakhtigii loolanka iyo tartanku ka dhexeeyey Ruushka iyo Maraykanka kaas oo Ruushku uu ahaa wadankii ugu horeeyey ee xayawaan nool hawada sare ee Dhulka ka baxsan u diray siddoo kale dalkii ugu horeeyey ee Ruux nool hawadaa sere u diray ee kasoo celiyey, hase yeeshee Maraykanka ayaa bun dhaafiyey Markuu noqday dalkii ugu horeeyey ee dad nool Dayaxa ka dul dejiyey ee haddana kasoo celiyey, waxayna ahayd Sabtidii 20-07-2019 sanad guuradii kontonaad ee kasoo wareegtay wakhtigaa la dul degey Dayaxa xuskeedii, Sikastaba ha ahaatee in mudo dheer ahay Dayaxa siddaa looma Hadal hayn se iminka in mudo dhow ah aad ayey u soo noqotay Hadal hayntiisa iyo loolankii beri samaad oo kale, iyaga oo ay kusoo biireen loolanka Dayax tagista cusub dalal badani sidda Dalalka midowga Yurub, Shiinaha iyo Hindiya, waxa shalay oo ay Taariikhdu ahayd


22-07-2019 Hindiya kicisay Dayax-gacmeed lagu magacaabo (Chandrayaan-2) kaas oo ay u dirtay in uu ku dego Dayaxa guudkiisa oo uu baadhitaan ku sameeyo Dhanka fog ee Dayaxa oo biyo lagu sheegey, waxa jira in Dayaxu aanu isku duurin sidda Dhulka oo Mar walba dhan kaliya ama dhan qudhi uu ina soo eegaayo, siddaa laajigeed Dhanka siijeedka aynaan arag ayaa loo yaqaanaa dhanka fog ama (far side).


Sikastaba ha ahaatee haddii ay indiya ku guulaysato oo ay ku dul dejiso Dayax-gacmeedka Dayaxa guudkiisa waxay noqonayaan dalkii afaraad ee Dayax-gacmeed Dayaxa u diray ee ku degey, waxa ay yihiin 3da kale Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha, waxa ay Hindiya ku rajo weyntahay in uu ku dego Chandrayaan-2 Dayaxa guudkiisa weliba cidhifka sare ee waqooyi ee Dayaxa 06-09-2019 halkaas oo uu uga daadegi doono Dhanka fog ee Dayaxa, noqon doonana mid baadhitaan buuxa kusamay doona Dayaxa, xog cusub oo ku saaban Dayaxana soo kordhindoona.


Dhanka kale iyana waxa Jira mashruuc ay wada jir u hirgelinayaan Maraykanka iyo midowga Yurub kaas oo ay iskaga kaashanayaan in xarun laga dhiso Dayaxa guudkiisa loo adeegsado xog uruurin kusaabsan xiddigaha maadaama uu Dayaxu lahayn hawo ku dahaadhan sidda Dhulka iyo in loo adeegsado meel laga kiciyo Dayax-gacmeedada loo diraayo meerayaasha aynu Cadceeda wadaagno iyo kuwa xiddigaha kale ku meeraba, maadaama uu Dayaxu uu ka cufis-jiid yaryahay Dhulka wuu ka sahlanaanayaa Dhulka, kicinta Dayax-gacmeedka.


Hadal iyo dhamaan Dayaxay kashidan tahay oo dunidii lakala bax oo hindigii isticmaarka Mar ina wada haystay wakaa la beratamaaya ee ka bidinaaya inakuna hoos marnay aduunkii oo biriishna dhisan kariweynay biyona lasoo bixi kari weyney baaniyaalkii hindiya-laynka iyo hargeysa kula joogi jirayna Dayaxuu biyo u doontay, 69kii ayaa nin laga hayaa ORGI FUULAYAA AMA QABAAL MIIG KA DHIGANAYAABA ANIGA IYO AMISTARON MARUUN DAYAXA GUUDKIISA WAA ISKU ARKI DOONAA, maanta haddana Dayaxay ka shiddan tahaye awr kornayaa ama foosto-gobolo sayruukh ka dhiganayaaba inaga iyo Baaniyaalku Biyaha Dayaxa weynu wada dhaansan DOONAA!!.

Caddaaladbaa Ummad isku tiiris

Caddaaladbaa Ummad toosisa

Caddaaladbuu Dalna ku taabo qaadaa.

Fuad Fartaag

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...