Caalamadaha Aad ku garan karto khaatumada wanaagsan waxaa ka mid ah.

0
Sunday February 09, 2025 - 21:25:56 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamadaha Aad ku garan karto khaatumada wanaagsan waxaa ka mid ah.

    Calamada 4aad, ; in uu shahiid ahaado shahiidka kaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Calamada 4aad, ; in uu shahiid ahaado shahiidka kaliya


Calamada 1aad, ; Qofka muslimka ah in Uu geeriyoodo isagoo dhabanada ka dhididayo Rasuulka csw waxa uu yiri:
[موت المؤمن بعرق الجبين].
Calamada 2aad, ; Qofka in Uu ruux baxo habeen jumca ah ama maalin jumca ah Rasuulka csw waxa uu yiri; "Qof muslim ah majiro Oo geeriyoda maalin jumca ah ama habeen jumca ah hadduu jiro ilaahey waxa uu ka bad baadiya cadaabul qabri
[ ما من مسلم يموت يوم الجمعة او ليلة
الجمعة الا وقاه الله من فتنة القبر].
Calamada 3aad, ; Kalmada towxiidka in Uu ku dhawaaqo ka hor inta uusan geeriyoonin.
Rasuulka csw waxa uu yiri
[من كان ءاخر كلامه من الدنيا لا اله الاالله دخل الجنة].
Calamada 4aad, ; in uu shahiid ahaado shahiidka kaliya ma aha in uu jihaad kaliya ku dhintay Rasuulka csw ayaa yiri qofka gubtay qofka biyo ku maashooday qofka daacuun u dhintay qof naftiisa iyo sharafkiisa difaacaya Oo sidaa ku dhintay, dhamaan waa shuhado.
Calamada 5aad, ; in Uu geeriyooda qofka isagoo salaad ku jira ama isagoo Sooman ama muxaadaro diini ah U socda.
Rasuulka csw ayaa yiri markuu alla qofka kheyr la doona qalbigiisa ayuu dhaahiriyaa geeridiisa ka hor " zaxaabadii ayaaa ku yiri rasuulkii allow waa maxay qalbi daahirinta..?
Rasuulka csw waxa uu ugu jawaabay ; camal wanagsan ayuu alla qofka ku il haaminaa ilaa uu ruuxda ka qabto.
Markaad dhameyso aqriska waxaad qortaa ducadaan si qalbi wanag ah
(اللهم أرزقني حسن الخاتمة) ءامين

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...