Suxufi, Samafale Coldoon Waa Inuu Xoriyadiisa Helaa
DHamaan waan salaamayaa bahda warbaahinta meelkasta oo ay joogto.
intaa dabadeed waxaan doonaya innaan ka dhiibto aragtiyda sida aan u
arko xadhiga axmqanimad ah ee lagu riday Suxufi ,samafale Coldoon
iyo inta la midka ah u xidhan ama loo xukumay rayigooda ay dhiibteen.
Waxaa is weydiin leh ma been ayeynu ka sheegeynaa in dalku yahay Dimuquraati.
Ereyga dumuquraati waa eray a Giriig ah macnihiisu yahay awooda
waxaa iska leh shacabka ama dadweynaha waxayna u madax banaan yihiin
xoriyadda hadalka, qoraalka sida TV, iyo jaraaiidka.
Maxay dawladdu ku xidhay Suxufigaasi maalinksata waxaa lagu qoraa
baraha bulshada intaas oo waxyaalood,waxaa ka baxa TV yda oo ku jiro kan
dawladdu waxyaabo bulshadda kala fogeynaya ha ahaadaan madax
dhaqameed, siyaasiyiin iwm maxaa wax looga qaban waayey.
QOFKA GOORMAA LA XIDHIKARAA?
Haddii u fal dambiyeed uu markaa faraha kula jiro.
Haddii ay maxakamadi xukun ku riday .
Haddii qof uu wax dilo.
Jeelalka dalka waxaa ka buuxa kiisas aan sidaa u buurneyn ayaa dadka
lagu xidhayaa ,arrimaha saxaafadda ama wixii siyaasadd ah waxaa la
haboon in loo yeedho qofka markaa su,aalo la weydiiyo .
Qofka dhibana ah marka hore meesha uu u soo dacwoonayaa waa
Bileyska Poliska .Booliisku wuxuu u yeedhayaa cida la dacweynaayo
wuxuu weydiinayaa wixii lagu soo dacweeyey .ka dib qofkaas oo dibada
jooga ayaa loo gudbinanyaa maxkamdda ,maxákamdda ayaa go,aan ka
gaadheysa iyada ayaa markhaatiyaasha raadsaneysa ,waxaa laga yaaba in
ganaaax lagu xukumo ama la sii daayo .Muxuu yahay xukunka u yaala
Tooriyadda qofka sita misa ma jiraa sharci u yaala .
Waxaa ku soo koobayaa waa in Suxufigaas COLDOON iyo inta la midka ah xuriyadooda ay helaan
Ahmed daacad
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...